Xiisadda colaadeed ee u dhexaysa dalalka Pakistan iyo Hindiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay cirka isku shareertay kadib markii dawladda Pakistan ay jawaab adag ka bixisay weerararradii isugu jirtay duqaynta diyaaradaha iyo gantaallada ee Hindiya ay kusoo qaadday.
Weerarro lagu tilmaamay kuwo aargoosiya ayay Pakinstan qaadday waaberigii saaka, Waxaanay hawl-galkan millateri oo ay ugu magac-dartay "Bunyaanummarsuus” ku beegsatay bartilmaameedyo la sheegay inay yihiin kuwii laga soo abaabulayay weerarrada ka dhanka ah Pakistan.
Sida ay wararku tibaaxayaan Pakistan ayaa ridday gantaalkeeda ay ula baxday Al-Fatax, kaas oo la sheegay inuu qayb ka yahay hawl-galkan aar-goosiga ah, waxaana lagu garaacay bartilmaameedyo badan oo ku yaalla gudaha Hindiya.
Sidoo kale diyaadadaha aan duuliyaha lahayn ee Pakistan ayaa lagu soo warramayaa in lagu arkay hawada caasimadda Hindiya ee Delhi iyo meelo ka mida gobolka Gujarat oo uu kasoo jeedo R/wasaaraha Hindiya, Narendra Modi.
Ciidamada Pakistan ayaa la sheegayaa in ay burburiyeen nidaamka difaaca hawada ee S-400 ee Hindiya ee Adampur, Waxaana labeegsaday ugu yaraan Todoba goobood oo Hindiya ku yaal oo ay ka mid yihiin saldhigga muhiimka ah ee Pathankot, saldhigga hawada ee Udhampur, saldhigga hawada ee Gujarat, Saldhigga hawada ee Rajhastan iyo goobta kaydinta gantaallada Brahmos, sida ilo amni ay xaqiijiyeen.
Dhanka kale, Koronto la’aan baahsan ayaa laga soo sheegayaa inta badan dalka Hindiya. Waxaanay hoggaanka siyaasadda iyo milatariga Pakistan ka digeen in haddii Hindiya ay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah oo ay kaga jawaabayso aargoosiga Pakistan, in bartilmaameedyo qiimo sare leh la beegsan doono.
Horaantii Jimciha, Hindiya waxay gantaallo ku dhufatay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Pakistan, balse dhammaan hantida Ciidanka Cirka Pakistan ayaanay wax khasaare ah soo gaarin, sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga Pakistan. Waxaanay Pakistaan sheegtay inay Hindiya kasoo ridday ugu yaraan 25 diyaaradood.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram: https://t.me/+LX775Tf24bcyZjk0