Ganacsatada qaadka Miirooga ee dalka Kenya ayaa sheegay in werwer badan ay ka qabaan hoos-u-dhac ku yimaaddo suuqa kaliya ee lagu kalsoonaan karo ee ay ku leeyihiin Soomaaliya, kadib sicir-barar ka dhashay loollanka ganacsatada, sida uu sheegay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya.
Wargeysku waxa uu xusay in Kenya ay maalin walba Somaliya u dhoofiso ilaa 30 Tan oo ah Qaadka Miirooga, kaas oo lagu qiimeeyey in ka badan $155,000 (Boqol Konton iyo Shan Kun) oo Dollar, halka ugu yaraan 260,000 (Labo Boqol iyo Lixdan Kun) oo Dollar, oo Qaad ah maalin walba la geeyo dhulka Soomaaliyeed ee NFD.
Xoghayaha Wasaaradda Beeraha Mutahi Kagwe ayaa labanlaabay lacagihii laga qaadi jiray ganacsatada Qaadka, balse Qaad-waleyaashu way ka biyo-diideen kharashaadkaasi, isagoo goor dambe ugu goodiyey in shatiga ay waayi doonaan ciddii bixin wayda lacagahaasi.
Muddo dhowr jeer ah waxaa dhacay mudaharaaddo ka dhashay xifaaltanka ganacsatada, kaas oo bishii lasoo dhaafay ee Febraayo, ay beeralayda qaadku khasaareen lacag ka badan 2.7 Milyan oo Dollar, kadib markii muddo ku dhow 10 cisho ay hakiyeen qaadkii loo daabuli jiray labadii suuq ee ugu waaweynaa ee NFD iyo Somaliya, Sida uu qabo Nyambene Miraa Trade Association (Nyamita).
Ururka Ganacsatada Miraada Kenya ayaa sheegay in hadal heynta dhowaan ka dhalatay laalista rukhsadaha dhoofinta Qaadka Miirooga, ay si aan caddaalad ahayn u bartilmaameedsanayso ganacsatada Soomaalida ee muddada badan qaadka geyn jiray Soomaaliya.
Guddoomiyaha ururka ganacsatada Miirooga, ninka lagu magacaabo Gitonga Ndolo, ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in laga taxadiro qeyla dhaanta kasoo yeeraysa qiimaha Qaadka, si loo sugo ayuu yiri suuqa kaliya ee ka haray dhoofinta Qaad-ka, oo uu ula jeedo Soomaaliya.
"Waa in aan ixtiraamnaa ganacsatada Soomaalida ee qaadka geeya Soomaaliya, sababtoo ah waa muhiim, maadaama aan weynay suuqyada UK iyo Holland, waa inaan ilaalinaa midka la isku halayn karo ee Muqdisho," ayuu yiri Ndolo.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram: https://t.me/+LX775Tf24bcyZjk0