Pakistan iyo Hindiya oo heshiis Xabad joojin ah ka gaaray dagaalkii udhaxeeyay.

Saturday May 10, 2025 - 17:54:27
Liibaan Jeexoow
Kadib afar maalmood oo ay is dhaafsanayeen duqeymo diyaaradeed iyo weeraro madaafiic ah ayay heshiis xabad joojin ah ku dhawaaqeen dowladaha Hindiya iyo Pakistan.
Donald Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in wahadallo habeen kaamil ah qaatay kadib uu isagu ku guuleystay in ay heshiis xabad joojin ah kala saxiixdaan labadan dowladood ee ku qalabaysan hubka wax gummaada ee Niyugleerka.

Wasiirrada arrimaha dibadda Pakistan iyo Hindiya ayaa iyana warsaxaafadeedyo ku shaaciyay in ay saxiixeen xabad joojin dhaqan gelaysa saacaddu marka ay tahay 5:00 galabnimo ee waqtiga maxalliga ah.

New Delhi iyo Isma'Abaad ayaa xaqiijiyay in durbadiiba ay dib usoo celiyeen xiriirkii melleteri iyo midkii sirdoon ee ka dhaxeeyay ayna dhaqan gal ka dhigayaan heshiiska xabad joojinta ah.

Taliyaha ciidanka melleteriga Hindiya wuxuu sheegay in uu lasoo xiriiray dhiggiisa Pakistan islamarkaana labada dowladood ay isku waafaqeen qaboojinta xiisadaha ka dhaxeeya.

Arbacadii lasoo dhaafay ayay Hindiya ku dhawaaqday howlgal ay ku sheegayso in ay ku beegsanayso wax ay ugu yeertay kooxo Argagaxiso ah balse Pakistan ayaa gacan kulul uga jawaabtay waxaana Hindiya lagasoo riday illaa 5 diyaaradood oo badankood ah kuwa casri ah.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in dagaalkii koobnaa ee labadan dowladood dhaxmaray ay ku gacan sarraysay Pakistan oo lasoo baxday awood xad dhaaf dhanka cirka ah.

Melleteriga Hindiya ayaa ladhaxalsiiyay guuldarro weyn oo dhanka cirka ah waxaana lagasoo riday diyaarado qaali ah, sidoo kale Pakistan ayaa diyaarado Drones ah ku duqeysay saldhigyo ciidan oo kuyaal gudaha fog ee Hindiya arrinkaas oo amakaag ku ridday dowladaha saaxiibka la ah Hindiya sida Faransiiska,Mareykanka iyo Ruushka.

Hub ay soo saareen dowladaha Shiinaha iyo Turkiga oo ay ku qalabaysanyihiin ciidamada Pakistan ayaa lasheegay in uu caqabad weyn ku noqday melleteriga Hindiya.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences