Dad Rakaab ah oo dil iyo qafaalasho loogu geystay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya.

Sunday April 06, 2025 - 11:13:06
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya kooxo hubaysan oo dad rakaab ah ka qafaashay qafaashay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Gohatsion iyo Tulu Milki oo ka tirsan gobolka Oromada.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in la khaarajiyey ugu yaraan 10 qof oo rakaab ah, halka inta kale oo tiradooda aan la cayiminna la sheegay in la afduubtay.

Dadkan rakaabka ah ayaa saarnaa mid ka mida gaadiidka dadweynaha oo noociisu ahaa Bas. Yeshoferoch Andebet, oo ka mida wadayaasha gaadiidka, ayaa xaqiijiyey dhacdadan isagoo sheegay in xogtan uu helay sabtidii shalay.

Baska ayaa lagu soo warramayaa in uu kasoo ambabaxay magaallada Bahir Dar ee xarunta gobolka Axmaarada, kuna sii jeeday magaallada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Afduubka basaska iyo rakaabka ayaa ku soo noqnoqda gobolka Oromada gaar ahaan wadada xiriirisa Bahir Dar iyo Addis Ababa.

Ku dhawaad labo usbuuc ka hor ayay ahayd markii in ka badan 50 qof oo rakaab ah lagu afduubay aagga Waqooyiga Shawa ee degmada Worejarso ee gobolka Oromda.

Afduubayaasha ayaa ku hanjaba inay dili doonaan dadka u qafaalan haddii aan la bixin madax-furasho gaareysa Toban Kun oo dollar, taas oo dadka badankoodu aanay awoodin.

Nidaamka Abiy Axmed ayaa afduubka ka dhaca deggaannadaasi ku eedaysa kooxda u dagaallanta Oromada ee magacooda loo soo gaabiyo OLA.

Afhayeenka Jabhadda OLA ayaa dhowr bilood ka hor shaaciyey in koox uu soo abaabulay maamulka Addis Ababa uu ka dambeeyo afduubka dadkaasi rayidka ah.

Related Items

Update cookies preferences