Stars and Stripes oo ah warbaahin si rasmiya u hoos-tagta Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in hawl-galkii dagaalyahannada Al-Shabaab ay 2019-kii ku beegsadeen saldhigga maraykanka ee Balli-doogle uu ahaa weerarkii ugu weynaa ee ciidamada Maraykanka ee ku sugan Somaliya ay la kulmaan intii u dhaxaysay 1993-kii ilaa 2019.
Garoonka diyaaradaha Balli-doogle iyo ciidamada Mareykanka ee halkaas ku sugnaa ayay warbixintu xustay inay ahaayeen bar-tilmaameedka hawl-galka jihaadiyiinta, waxaanay saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanku ay shaaciyeen in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo socday muddo saacado ah.
Warbixintan oo si gaar ah uu u diyaariyey John Vandiver oo ah wariye millateri oo ka ka tirsan wargeyskan hoos-taga Pantagon-ka, ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadii Al-Shabaab ee hawl-galkaasi fulisay ay gudaha saldhigga ku qarxiyeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Inkastoo wargeysku aanu sheegin khasaaraha goobtaasi ka dhashay, ayaa tilmaan ka bixiyey baaxadda iyo awoodda uu lahaa qaraxaasi, waxaanu sheegay inuu ahaa mid aad u xooggan, isla markaana goobtii uu qaraxu ka dhacay uu ka dillaacay god aad u qoto dheer oo cabirkiisa uu ku sheegay 20 Mitir.
Weerarkii Ballidoogle oo wargeysku kaga faallooday warbixin uu shalay daabacay ayaa ahaa hawl-gal galaaftay nolosha ugu yaraan 121 askar iyo saraakiil ameerikaan ah, laguna burburiyey diyaarado iyo gaadiid dagaal iyo sidoo kale qalab millateri oo aad u fara badan, sida Al-Shabaab ay shaacisay.
Wargeyska Stars and Stripes ayaa walaac xooggan ka muujiyey sii socoshada hawl-galka ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, waxaanu sheegay in aanay caddayn jihada mustaqbalka ee hawl-galka AFRICOM ee Soomaaliya, maadaama ayuu yiri dhammaadka muddo-xileedkii hore ee Trump uu amray in dhammaan ciidamada Maraykanka laga saaro dalka Soomaaliya.
Horraanta bishii lasoo dhaafay ee Maarso ayay ahayd markii warbaahin caalamiya oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ay shaacisay in maamulka cusub ee Donald Trump uu wado qorsheyaal uu doonayo inuu albaabada isugu dhufto taliska AFRICOM.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram: https://t.me/+LX775Tf24bcyZjk0