Kenya oo walaac ka muujisay kororka weerarada jihaadiga ah ee gobolka Lamu iyo dhulka NFD.

Saturday May 03, 2025 - 18:11:58
Liibaan Jeexoow
Xilli ay sare usii kacayaan weerarada ay xooggaga jihaadiga Al Shabaab ay ka fulinayaan gudaha dalka Kenya ayay mas'uuliyiin katirsan xukuumadda Nairobi muujinayaan walaac ku aaddan ammaanka oo faraha kasii baxaya.
Mas'uuliyiin Kenyaan ah ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in silsillado weeraro ah oo Al Shabaab ay isbuucii lasoo dhaafay ka geysteen gobollada Lamu iyo Mandheera ay dhegta dhiigga ugu dareen inkabadan 10 ruux oo 5 kamida ay ahaayeen saraakiil booliska katirsan

Taliyaha booliska Lamu ninka lagu magacaabo Wesley Koech ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanno farabadan oo katirsan jihaadiyiinta Al Shabaab ay howlgallo ka wadaan gobolka Laamu ee kulaala xeebta badweynta Hindiya wuxuuna muujiyay walaaca uu ka qabo kororka xaddiga weerarada jihaadiga ah.

Wesley Koech ayaa intaasi ku daray in jihaadiyiintu ay 5 askari ku dileen weerar ka dhacay meel ku dhow magaalada Laamu ee caasimad goboleedka ah, sarkaal kale oo katirsan dowladda Kenya ayaa isna yeeriyay seeriga halista.

Falanqeeyaal dhanka amniga ah ayaa usheegay wargeyska The Star in ciidamada booliska iyo kuwa sirdoonka ay ku guuldarraysteen in ay ilaaliyaan koontaroolka xuduud beenaadka udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dabayaaqadii isbuucii lasoo dhaafay weerar ka dhacay meel ku dhow magaalada Mandheera ayaa sababay dhimashada 5 qof Kenyaan Kirishtaan ah kuwaas oo ka shaqeynayay goob kaawada laga qodo waxaana mas'uuliyadda weerarkaas sheegtay xarakada Al Shabaab.

Jihaadiyiinta Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah dowladda Kenya tan iyo markii ay ciidanka gummeysiga Kenya ay kusoo biireen duullaanka shisheeyaha ee Soomaaliya sanaddii 2011.

Related Items

Update cookies preferences