Ururka Saxafiyiinta Suudaan oo warbixin soo saarey Sabtidii ayaa soo bandhigey in ay diwaangaliyeen 556 dhacdo oo lid ku ah saxaafadda taas oo sababtey in 31 saxafi la dilo intii ay colaaddu waddankaas ka taagnayd.
Warbixintan oo la baahiyey maalinta loogu yeero Maalinta Saxaafadda Adduunka oo ku beegnayd 3 May ayuu ururkaasi soo bandhigay.
Dilka saxafiyiintan waxa qaarkood loo diley si shirqool ah halka kuwo kalena si bareer ah loo toogtay ayaa warbixinta lagu xusay.
Wariyeyaasha xabsiga loo taxaabey muddadaas waxa ay noqdeen 239 saxafi kuwaas oo tiro badan oo kamid ahi la kulmeen jirdil, handadaad iyo hanjabaado.
Dhanka kale ururku waxa uu ka dhawaajiyey in in ka badan 1000 saxafi ay noqdeen kuwo shaqo la’aan ah halka qaar kalena ay helaan saddex meelood meel mushaarkoodii ah.
Ururku waxa uu sheegay in wariyeyaal lagu qasbay in ay shaqada iskaga tagaan sabab la xiriirta in aan wax mushaar ah loo hayn.
In kor u dhaafeysa 500 oo wariye ayaa qoxooti noqday sida warbixintani ay xustay.
Dagaalka u dhexeeya Jabhadda RSF iyo Ciidamada Suudaan ayaa sannadkii labaad inkastoo goobo badan laga saarey Malleeshiyada RSF haddana waxa jira goobo ay maamulayaan.