FAAH-FAAHIN: Hawl-gallo khasaare geystay oo ka kala dhacay NFD iyo Galgaduud.

Wednesday April 30, 2025 - 11:36:30
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya weerar maanta ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku qaadeen maleeshiyaad ku sugnaa deggaanka Baraag Sheekh Cabdullaahi ee duleedka degmada Ceel-dheer.
Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 1 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkii la beegsaday, halka mid kalena lagu dhaawacay.

Geesta kale dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa hawl-gal qorshaysan ka fuliyey deggaanka Garbo-qoolleey oo u dhow magaallada Mandheera oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.

Xogta ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 5 xubnood oo Kenyaan ah lagu dilay weerarkaasi, 2 kalena lagu dhaawacay.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences