Waxaa markii u horreysay soo shaac baxay khilaaf in muddo ah huursanaa oo u dhaxeeyey C/Fataax As-siisi oo ah madaxa maamulka daba-dhilifka ah ee Masar iyo madaxa kooxda Villa Somaliya, Xasan Gurguurte.
Xiriirkan xumaaday ee labada maamul ayaa soo if-baxay kadib markii uu hakad ku yimid dhaqan-gelinta heshiis millateri oo ay wada galeen, sida ay shaacisay warbaahinta Al-Carabi Al-Jadiid oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.
Masar ayaa si weyn u qoonsatay isbedelkii deg-degga ahaa ee ku yimid Gurguurte, kadib markii uu heshiisyo lama filaan ah la galay dawladda Xabashida Itoobiya, tallaabadaas oo si weyn uga hor imanaysa heshiisyadii uu horey ula galay Siisi.
Warbixintu waxay tilmaantay in Masar ay si weyn uga carootay wax ay ku tilmaantay isbeddel lama filaan ah oo dhinac ka raran oo Xasan Gurguurte uu sameeyey, kuna buriyey ballanqaadkii ahaa inay dhan uga soo wada jeestaan fara-gelinta Itoobiya.
Argagax siyaasadeed ayuu Masar ku noqday isbedelkan lama-filaanka ah ee ku yimid Gurguurte, sida ay sheegtay Al-Carabi Al-Jadiid, iyadoo intaa ku dartay in Addis Ababa iyo Muqdisho ay aad isugu soo dhawaadeen una wada shaqeeyaan.
Warbixintu waxay ka dhawaajisay in tallaabadani ay keentay in Qaahira ay dib u qiimeyso heshiiskii millatari ee ay la gashay Muqdisho, kaasoo oo talo-galku ahaa in tiro ka badan Kun askari oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee Masar loo diro dalka Soomaaliya.
Ciidamadan ayay warbixintu tibaaxday in loo qorsheeyey in la geeyo degmooyin ay ka mid yihiin Aaadan Yabaal iyo Cadale, oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, si ay ula dagaallamaan jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Sida ay warbixintu carabowday, Masar waxaa lasoo deristay niyad-jab xooggan oo ay ka qaadday gebi-dhacleynta Gurguurte, iyadoo aaminsan in uu ka baxay, hir-gelintoodana uu beer-darreeyey heshiisyadii amni ee ay wada galeen.
Kalsoonidii Gurguurte ee gudaha Masar ayaa la sheegayaa in ay dhimatay, taas oo keentay in qorshihii ciidamada Masar loogu diri lahaa Soomaaliya la joojiyo, inkastoo Masar aanay si rasmiy u shaacin go’aankan, sida ay sheegtay Warbaahinta Al-Carabi Al-Jadiid.
Sidoo kale waxaa qarka u saaran in ay burburaan dhammaan maal-gashiyadii iyo tababarradii millateri ee dowladda Masar ay siin jirtay kooxda Villa Somaliya, sida ay warbixintu kasoo xigatay ilo xogogaal ah.
Xogtu waxay tilmaantay in hoos u dhaca ku yimi xiriirka labada dal laga dheehan karo ka maqnaanshihii madaxweynaha Masar ee shirkii ay isugu yimaaddeen isbahaysiga AUSSOM ee jimcihii lasoo dhaafay lagu soo gunaanaday dalka Uganda.
Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Madbuli oo shirkaasi ka qayb-galay ayaa muujiyey niyad-jabka ay Masar ka qabto jahawareerka iyo laba-boglaynta Gurguurte oo sababtay ayuu yiri in la wiiqo awoodda maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ay warbixintu soo xigatay, Masar hadda diyaar uma aha in ay sii waddo taageerada militari, maadaama aysan jirin ballan-qaad dhab ah oo Gurguurte ka bixiyey ilaalinta heshiisyadii labada maamul ay horey u wada gaareen.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: