Abiy Axmed oo ku dhawaaqay inay dhaqan-gelinayaan heshiiskii ay la saxiixdeen maamulka Somaliland.

Tuesday October 29, 2024 - 13:34:50
Liibaan Jeexoow
Raysalwasaaraha dowladda Xabashida Itoobiua Abiy Ahmed oo xalay ka hadlay warbaahinta dalkaas ayaa mar kale ku celiyey muhiimadda ay dalkiisu u leedahay in ay gaarto badda cas oo uu ula jeedo in ay qabsanayaan qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Dowladda Xabashida Itoobiya waxay ku goodisay in ay qabsan doonto badda Soomaaliya waqtiguba ha dheeraadee balse ay ka rumeyn doonto riyadii Minilik oo ahaa boqorkii xabashida ee soo bilaabay in uu damaaciyo dhulalka Soomaalida geeska afrika.

Isagoo ku hadlayay luqadda amxaariga ayuu Abiy Axmed si toos ah u abbaaray arrinta ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee badda Soomaaliya wuxuuna shacabkiisa xabashida ugu bishaareeyay in ay u soo dhicin doonaan marin-badeed sida uu ku hadaaqay.

Wuxuu carrabaabay in heshiiskii xaaraanta ahaa ee uu la saxiixday Muuse Biixi ay ka dhaxleen cambaareynno iyo dhaleecaynno caalami ah balse aysan arrinkaas dhegna jalaq u siin doonin oo ay sii wadayaan qabsashada biyaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Abiy Ahmed markii uu ka hadlayay is afgaradkii uu la galay mamulka Somaliland ayuu sheegay in is afagaraadkaas ay weli ku taagan yihiin uuna gogol xaar u noqon doono sidii ay u gaari lahaayeen bada cas.

"Annaga way naga go'an tahay in aan gaarno Badda cas, waxaa laga yabaa in aad isweydiisaan maxaa dhaqan loogu bedeli la'yahay is afagarkii aan la galnay Somaliland, annaga degdeg nama hayso go'aankaasna waa sida aan u qaadanay" ayuu yiri Abiy Axmed.

Mas'uulka ugu sarreeya dowladda xabashida Itoobiya ayaa xaqiijinta hadafkooda qabsashada badda Cas la meel dhigay dhismaha biya-xireenka Al-Nahda oo uu sheegay in uu ahaa Riyo Itoobiyanku boqolaal sano ku taamayeen balse hadda xaqiiq noqday.

Hadalkan kasoo yeeray Abiy Axmed ayaa meesha ka saarayay dadaalladii ay dowladda Turkiga ku doonaysay in ay ku dhex-dhaxaadisto kooxda Villa Somaliya iyo Itoobiya waxaana muuqata in xabashidu aysan marna wax gorgortan ah ka gelayn arrinta Badda Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences