Askar Burundiis iyo Soomaali isugu jirta oo maanta lagu laayay dagaallo ka dhacay duleedka Balcad.

Monday October 21, 2024 - 20:22:55
Liibaan Jeexoow
Dagaallo culus oo bilowday duhurnimadii maanta, soona gaaray caawa maqribkii, islamarkaana in ka badan 4 jeer lagu jabiyey ciidamada huwanta ee Burundi iyo maleeshiyada Gurguurte ayaa maanta waxay ka dhaceen deggaanka Yaaqle ee duleedka degmada Balcad.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dagaalladani ay dhaceen kadib markii maleeshiyada dawladda iyo ciidamada Burundi ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku sugan deggaanka Yaaqle ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Isku-daygan ay sameeyeen ciidanka huwanta ayaa si xun loogu jabiyey waxaana gaadhay khasaare culus, iyadoo 9 askari oo isugu jira maleeshiyada Gurguurte iyo kuwa Burundi ay bakhtiyeen, halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale hawl-gal dagaalyahannada Al-Shabaab ay maanta ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu khaarajiyey Aadan Geelle oo ahaa askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte.

Jabkan la gaadhsiiyey ciidamada huwanta ayaa imanaya saacado kadib dagaallo saf ballaadhan ah oo xalay lagu miray xerooyinka ciidamada Uganda iyo kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmooyinka Baraawe, Ambareeso, Buulo Mareer iyo Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Related Items

Update cookies preferences