Faysal Cali Waraabe: Muusow 40 sano ayaad dalka xumaan iyo qabyaalad la dhex-joogtay.

Sunday November 10, 2024 - 07:42:59
Liibaan Jeexoow
Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa si kulul uga hadlay Muuse Biixi oo ah madaxweynaha Somaliland.
Faysal Cali Waraabe ayaa Muuse Biixi ku sheegay in uu yahay nin xumaan dadka la dhex-jooga oo kala qaybiya bulshada.

"Afartan sano ayaad dadka xumaan iyo qabyaalad la dhex joogtay. Madaxweynihi dalka xoreeyay ee Cabdiraxam Axmed Cali ayaad kabaha kala baxday, Cigaal ayaad dhibtay, Riyaale ayaad u Ku tidhi dhanged ayaan Madaxtooyada kaaga soo saaraya, Siilaanyo ayaad shaani Ku qarxisay. Maantana Somaliland ayaad reer reer u qaybisay. Ciidankii Qaranka ayaad jabisay dalkii ayaad Ku soo ururisay Oog. Maanta haddii aad damiir lahaan laheyd waad is casililaheyd ee Ilaahay SL hakaa badbaadiyo cadow kasta adigaa khatar badan eh” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Ina Cal Waraabe ayaa intaa raaciyey in uu dalka isagu magac ku leeyahay "Anigu sharaf Iyo magac ayaan la joogay dalka. Waxaan taro mooyee dhibaato lama joogo”.

Hadalladan Faysal ayaa imanaya ka dib markii Muuse Biixi uu Faysal ku tilmaamey nin gaboobay oo 20 sano xisbi hor taagnaa isla markaana ay u badan tahay in xisbigiisu doorashada maalmuhu ka hareen ee maamulkaas uu maca salaameeyo.

"Faysal Cali Waraabe wuu gaboobay oo dadku wuu ka daalay maantana rajada xisbigiisu ma fiicna oo 20 sano ayuu dadka soo hor taagnaa” ayuu yiri Muuse Biixi.

Related Items

Update cookies preferences