Wararka kasoo baxaya Gobolka oromiya ayaa sheegay in ugu yaraan 38 qof oo rayid ah lagu dilay weeraro ka dhacay degaana Hoostaga Bariga Shewa oo goobolka Oromia.
Dadla la laayay oo gebi ahaanba ahaa qowmiyada amxaarada ayaa lasoo sheegaya inay lagu dilay weerar ay kusoo qaadee kooxaha hubeysan ee oromada iyagoo dadka qaarkood lasoo shegayo in Nolosha lagu gubay.
Dad ku nool Degaanada weeraradu ka dhaceen oo lagu magacaabo Birbisa and Dereba kebeles oo dhaca bariga magalada Shewa ee gobolka oromada ayaa usheegay warbaahinta ku hadasha afka amxaarada in Eheledooda ay laayeen maleeshiyaad oromo ah oo dagaanadooda weerar kusoo qaaday.
"Shaqo ayaan jiray Markii weerarka dhacay kadi baya la isoo sheegay in afar qof oo ehelkeyga ah oo ay ku jirto naagteyda oo xamilo aheyd lagu dilay weerarkasa” Ashenafi Bogale nin lagu magaacabo aya u sheegay warbahint VOA qebteeda amxaariga.
Nin lagu magacaabo Dejene Tilahun aya isna warbaahinta afka amxaarada ku hadasha u sheegay in abihiis oo 77 jira ah loogu tagay gurigisa kadibna la dilay guriigsana la gubay.
Weerarada kooxaha oromada ay kusoo qaadayan degaanada amxaarada oo waayihii dambe batay ayaa oo dadka u hadla xuquuqda qowmiyada amxaarada waxay ku eedeynayan inay gadaal ka riixeyso mamulka abiy ahmed oo dagaal ba’an kula jirta kooxaha hubeysan oo amxaarada. Abiy ahmed ayaa kasoo jeeda qowmiyada Oromada.
Weerarkan ayaa imaanay iyadoo malintii isbuucyadii lasoo dhaafay dagaalo culus ay ka socdeen degaana hoostaga mamulada oromada iyo amxaarada ee dalka itoobiya. Iyadoo ay ugu dambeeysay dagaalo malintii jimcihii ka dhacay gobolka Oromiya iyadoo kooxaha hubeysan oo Oromada ay ku sheegteen inay askar badan uga dileen dowlada itoobiya.