Jabhadda OLA oo 48 qof ku dishay gobolka Oromiya.

Friday November 08, 2024 - 17:04:08
Liibaan Jeexoow
Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLA ayaa la soo warinayaa in ay dad lagu qiyaasay 48 qof ay shaley Khamiistii ku dileen gobolka Shawa.
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa weerarkan dadka badani ku le’deen ku eedaysay jabhadda OLA. Dadka la diley ayaa la soo warinayaa in ay ku jireen guddoomiyeyaal degmo.

Guddoomiyaha gobolkaas u qaabilsan Hay’adda Xuquuqda ee Itoobiya Ato Badadsa ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in xaaladda gobolkaasi ay kacsan tahay.

Jabhadda OLA oo markii hore la oran jirey OLF ayaa muddo dheer dagaal hubaysan kula jirta Itoobiya.

Reysal Wasaaraha Itoobiya ayaa mar sii horreysay wadahadallo la furey kooxdan. Wadahadalladan oo lagu qabtey dalka Tanzania ayaa lagu kala kacey iyada oo aanay waxba ka soo bixin.

Si guud Itoobiya waxa ay waajahaysaa dhiig bax gudaheeda ah waxaana dagaal hubaysan kula jira jabhado ay hadda ugu waaweyn yihiin Fano oo ka dagaallanta ismaamulka Amxaarada iyo OLA oo ka dagaallanta Oromiya.

Laba sano ka hor waxa xusid mudan in la soo afjarey dagaalkii jabhadda TPLF kula jirtey Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences