Dagaal beeleedyo lagu riiqmay ayaa saaka ka dhaceen deegaanno ku dhow dhow Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer kuwaas oo socday ilaa fiidkii caawa.
Wararka naga soo gaaraya aagga lagu dagaallamay ayaa sheegaya in laba beelood oo ka kala tirsan maamulka cusub ee SSC iyo kuwo kale oo la baxay SSB ay ku dagaallameen dhulka howdka ah ee gobolka Togdheer.
Dagaalka ayaa socday ilaa dhowr iyo toban saac oo xiriir ah. Colaadda waxa dadka qaar sheegayaan in uu hurinayo Korneyl Muuse Biixi oo hoggaamiya maamulka Somaliland.
Dhinacyada oo Somaliland iyo SSC-Khaatumo oo ka hadley dagaalku waxa qolo waliba ta kale ku eedeysay in ay soo weerartey.
Dhimasho iyo dhaawacba waa la sheegayaa walise lama hubo khasaaraha nafeed ee dhabta ah ee ka dhacey deegaankaas.
Muddo bilo ah ayaa laga nastay dagaal ka dhaca deegaammadaas laakiin waxa hadda soo cusboonaadey dagaalka malleeshiyaadka.