Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee ka tartama maamulka Somaliland ayaa ka hadley xaaladda Gobolka Sool iyo heshiiskii Somaliland-Ethiopia xilli uu wareysi siiyay Warbaahin laga leeyahay Ingiriiska.
Cirro oo lala yeeshay wareysi dhinacyo badan taabanayey ayaa waxa uu sheegay markii ugu horreysay in uu wadahadal la geli doono maamulka cusub ee SSC.
"Annaga waxa noo qorshaysan waxa weeye in arrintaa si salmiya oo wadahadal ah lagu dhammeeyo, wadahadalna la furo” ayuu yiri C/Raxmaan-Cirro.
Dhanka kale waxa wax laga weydiiyey sida uu u arko heshiiskii Is Afgarad ee Somaliland-Ethiopia kaas oo uu xusay la tusin shacbigana loo soo bandhigin isla markaana aanu Muuse cidna u sheegin wixii uu Itoobiya la galey laakiin haddii ay arkaan in ay sharciga marin doonaan.
"Horta heshiiskii mabaannaan arkine haddaanu aragno waxaanu doonaynaa in dariiq sharci ah uu maro” ayuu yiri musharraxa xisbiga WADDANI oo ka mida xisbiyada ka qayb-galaya tartarnka doorashada maamulka Somaliland oo qabsoomiddeeda loo asteeyey 13/Novermber/2024.
Waxa kale oo uu ka hadley wadahadallada Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland taas oo uu ka dhawaajiyey in haddii dani ku jirto la sii wadi doono. Cirro oo wax laga weydiiyey arrinta lagu eedeeyo ee ah in uu Soomaaliya xiriir la leeyahay ayaa xusay in taas uu Muuse uga dhaw yahay.