Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shilal baabuur oo ka dhacay duleedka Berbera.

Friday November 08, 2024 - 16:56:37
Liibaan Jeexoow
Shilal baabuur oo geystay dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid ayaa saacadihii u dambeeyey ka dhacay deggaanno hoos-taga maamulka la baxay Somaliland.
Labo qof ayaa ku geeriyooday, hal qof-na waa uu ku dhaawacmay labo shil oo ka kala dhacay duleeddada bari iyo galbeed ee magaallo-marsada Berbera.

Shilka hore oo habeennimadii xalay ka dhacay galbeedka magaallada, ayaa ka dhashay isku-dhaca labo baabuur oo waaweyn oo nooca xamuulka ah, waxaana ku dhintay nin dirawal ah.

Shilka labaad ayaa isna subaxnimadii hore ee saaka dhacay, kadib markii duleedka bari ee magaallada uu ku qallibmay baauur yar oo nooca raaxada ah ee loo yaqaan Toyota Mark 110.

Baabuurkan ayaa waxaa saarnaa qoys lammaane ah. Waxaana goobtaasi ku geeriyootay Ubax Ciise oo uu qabay Axmed-keyse Farxaan oo ahaa wadaha baabuurka kuna dhaawacmay shilkaasi.

Taliyaha ciidanka nabad-galyada waddooyinka ee gobolka Saaxil, Maxamed Cabdi Xasan oo dhacdooyinkan ka hadlay ayaa shilalka soo badanaya ku sababeeyey doorashooyinka ka jira dalka.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in 8-dii saacadood ee gelinkii hore ee maanta oo kaliya cisbitaalka guud ee magaallada Hargeysa la gaarsiiyey 15 qof oo wax-yeello ka soo gaartay Shilal baabuur iyo dhaawacyo Tooray, kuwaas oo dhammaantood ka dhashay ol’olaha doorashada.

Isku soo wada duuboo, shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan Somaliland, waxaanay sheegaysaa tirakoob uu maamulku soo saaray sanadkii hore ee 2023 in 6,536 shilal baabuur ah ay dhaceen gu'gaasi oo kaliya, kuna dhinteen dad gaaraya 198 qof, ayna ku dhaawacmeen 4,890 ruux.

Related Items

Update cookies preferences