Wasiirkii saddexaad oo iska casilay xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Wednesday November 06, 2024 - 10:58:47
Liibaan Jeexoow
Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Xil. Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa noqdey wasiirkii saddexaad ee iska casila xukuumadda raysalwasaare Xamse muddo maalmo gudahood ah.
Saddaam oo ka tirsan waxa loogu yeedho Golaha Shacabka ayaa kana soo jeeda Puntland, ayaa is-casilaaddiisu salka ku haysaa khilaafka ka dhex-jira dowladda federaalka iyo labad maamul-goboleed ee Puntland iyo Jubbaland.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan uu u qaaday kadib markuu arkay in la siyaasadeeyey mashaariicdii horumarineed ee loogu talo-galay Puntland, laguna mashquulay kala-qaybinta iyo kala-dhantaalidda midnimadii bulshada Soomaaliyeed.

Qodobbo dhawr ah oo wasiir-xigeenku ku faah-faahiyey asbaabaha soo dedejiyey is-casilaaddiisa ayaa sheegay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay waddo abaabulka colaado hor leh iyo xasilooni-darro siyaasadeed oo ay ka hurinayso deggaannada Jubbaland.

Wasiirkan is-casilay ayaa waxaa kasii horreeyey wasiirro kale oo kala ah Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada Axmed Cismaan Daqare, wasiiru-dowlihii wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga C/rashiid Jire Qalinle.

Wasiirradan ayaa dhammaantood ka soo jeeda deggaanada maamullada la baxay Jubbaland iyo Puntland, waxaanay arrintani salka ku haysaa khilaafka ka dhex aloosan madaxda dawladda federaalka iyo labada maamul-goboleed ee Puntland iyo Jubbaland.

Related Items

Update cookies preferences