Ciidan xalay lagu miray Xudur iyo khasaaraha Qarax ka dhacay Qeycad.

Wednesday November 06, 2024 - 10:15:30
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo kala duwan ka fuliyey gobollo ka tirsan koonfurta iyo badhtamaha dalka Soomaaliya.
Haddii aynu ku horreyno gobolka Bakool, dagaal culus ayay xoogagga Al-Shabaab xalay ku mireen maleeshiyaadka Koonfur Galbeed ee deggan saldhigga degmada Xudur.

Dhanka gobolka Mudug, ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in rag ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay saaka qarax culus kula jarmaadeen maleeshiyaadka dawladda.

Qaraxan oo si gaar ah loogu beegsaday maleeshiyaad ku sugan duleedka deggaanka Qeycad ayay wararku tibaaxayaan in uu ku dhintay Hal askari.

Weerarradan ayaa kusoo aadaya xilli xarakada Al-Shabaab ay ugaadhsi xooggan ku hayso ciidamada gumaysiga ee soo duullay iyo daba-dhilifyadooda.

Related Items

Update cookies preferences