Donald Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Dimuqraadiga Kamala Harris kaga horreeya natiijada horudhaca ah ee inta badan gobollada aadka loogu tartamayo.
Waxaa uu natiijada ku hogaaminayaa North Carolina, Georgia, iyo Pennsylvania, halkaas oo codadka badankood la tiriyay.
Waxaa uu sidoo kale in yar ku hogaaminayaa gobolka Arizona iyo Wisconsin. Waxaa la tiriyay in ka badan kala bar codadka gobolladaas.
Dhanka kale, Kamala Harris ayaa iyaduna hogaamineysa gobolka Michigan, inkastoo lagu soo warramyo in la tiriyay boqolkiiba 32 codadkii la tiriyay.
Kamala Harris ayay guusheedu cidhiidhi sii gelaysaa, inkastoo weli aan la hubin lix gobol oo kale oo la filayo inay go'aamiyaan guuleystaha.
Laakiin Trump wuxuu muujiyay awood guud ahaan dalka oo dhan. Waxa uu ku guulaystay 230, halka Harris' ay heshay 169 cod, saqdii dhexe ee ET (0500 GMT Arbacadii).
Codadka weli waa la tirinayaa waxaana hadba is bedelaya tirada codadka.