Madaxweynaha maamulka la baxay Jubbaland Axmed-madoobe ayaa shalay magaallada Kismaayo ku qaabilay wefti dhex-dhexaadiyeyaal ah oo ka socday dawladda Kenya.
Wafdigan ayaa ka koobnaa Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.
Sida ay baahisay madaxtooyada Jubbaland weftigan ayaa imaanshiyahooda uu ka dambeeyey Xasan Gurguurte oo dawladda Kenya ka codsaday inay dhex-dhexaadiso khilaafka ka dhex aloosan dawladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa sidoo kale baahisay sawirrada xubnaha wafdigan, arrintan ayaa la saadaaliyey inay uga sii dari karto xiisadda Jubbaland iyo dowladda federaalka, maadaama uu Axmed Madoobe banaanka soo dhigay arrin u muuqatay in la rabay in si hoose loo xaliyo.
Wefdiga ayaa la filayaa markay kasoo dhammaadaan Kismaayo inay u sii dhaafi doonaan magaallada Muqdisho si ay kulamo ula qaataan madaxda dawladda federaalka Soomaaliya, walow wararka qaar sheegayaan in safar aan la shaacin uu haatan dalka kaga maqan yahay Xasan Gurguurte.
Obocda khilaafka ayaa ah in hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu doonayo qabashada doorasho la aaminsan yahay in isagu ku soo bixi doono, halka madaxweyne Xasan Gurguurte uu isna rabo in dib loo dhigo doorashada, si uu muddo-korodhsi u samaysto.
Isku soo wada duuboo, qaylo-dhaanta Gurguurte iyo qoollaaliga Kenya ayaa daaha ka faydaysa sida diba-dhilifyada jinsigoodu Soomaaliga yahay uga gacan-madhan yihiin xilalka magac-u-yaalka ah ee ay ku camcamiyeen dalalka shisheeye.