Ugu yaraan 217 qof oo ku dhintay daadad ku dhuftay Spain iyo mudaharaadyo dhacay. [SAWIRRO]

Monday November 04, 2024 - 15:57:16
Liibaan Jeexoow
Dadka deggaanka oo aad u cadheysan ayaa ku oriyay Boqorka Spain ee Felipe, boqoradda Letizia iyo Ra'iisul Wasaare Pedro Sanchez xilli ay booqasho ku tageen gobolka Valencia, oo todobaadkii hore ay ka da'een roobab duufaanno ah oo sababay dhimashada dad aad u fara badan.
Boqorka iyo mas’uuliyiinta kale ee socdaalka ku wehelisay ayay dibax-baxayaashu ku eedeeyeen in ay ka gaabiyeen wax-ka-qabashada masiibada rabbaaniga ah ee ka dhacday dalka Spain iyagoo halkaasi kala kulmay weedho aflagaaddo iyo cambaarayn isugu jira.

"Fadlan, dadkii dhintay waxay ku jiraan garaashyada, qoysasku waxay raadinayaan eheladooda iyo asxaabtooda, fadlan kaalay, kaliya waxaan codsanaynaa in la caawiyo..." ayaa ka mid ahaa erayadii iyadoo ooyaysa ay ku qaylinaysay Nuria Chisber oo ka mida dadka deggaanka.

Ugu yaraan 217 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen daadadka, waxaana laga yaabaa in khasaarahu intaas uu kasii bato. Bakhtiyadii ugu dambeeyay ee la helay ayaa waxaa ka mid ah haweeney 70 jir ah oo meydkeeda laga helay meel in ka badan 12 kilomitir (toddobo mayl) u jirta gurigeeda.

Daraasiin dad ah ayaa weli aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen, iyadoo dhanka kalena ilaa 3,000 oo qoys aanay haysan koronto, sida ay saraakiisha dawladdu u xaqiijiyeen war-fidiyeenka.

Fatahaadaha ka dhashay daadadka ayaa buux-dhaafiyey waddooyinka iyo sagxadaha hoose ee dhismooyinka, iyagoo qaaday burburna u geystay gawaadhi iyo hanti fara badan.

Daadadkan ayaa la sheegayaa inay yihiin masiibadii ugu xumayd ee daadad la xidhiidha, kana dhacday hal dal oo Yurub ah tan iyo 1967-kii, markaasoo ugu yaraan 500 oo qof ay ku dhinteen dalka Portugal.

Related Items

Update cookies preferences