Kooxda RSF oo burburiyey masaajiddo iyo goobo lagu barto Qur'aanka Kariimka ah [SAWIRRO].

Sunday November 03, 2024 - 15:03:40
Liibaan Jeexoow
Malleeshiyada RSF ee dagaalka kula jirta Ciidamada Dowladda ee Suudaan ayaa ku kacey xadgudub ka dhan ah xurumaatka Islaamka. Kooxdan ayaa beegsatey masaajiddo iyo maraakis lagu barto Qur'aanka Kariimka ah oo ku yaalla qaar kamida gobollada Suudaan.
Wararka ayaa sheegaya in goobaha barakeysan ee RSF beegsatey ay ku nafwaayren tobannaan qof oo ay kamid yihiin imaammadii masaajiddadu.
Ilo wareedyo ku sugan gudaha Suudaan ayaa xaqiijiyey in masaajidda la beegsadey ay ku kala yaallaan Caasimadda Khartuum, Wilaayada Al Jazeera, magaalada Ummu-Darmaan iyo goobo kale oo kamid ah Daarfuur.

Duqeymaha kooxdu u geysatey goobahan barakeysan ayaa keentay in masaajidda qaarkood dhulka la sinmaan halka qaarkalena qayb ahaan burburaan.
Waxa kale oo wararku tibaaxayaan in kooxda RSF masaajiddada qaar ay ka dhigteen goob ay ku keydsadaan hubka iyo saanadda.

Wareysi Warbaahinta Al Jazeera la yeelatey Guddoomiyaha Awqaafta ee Wilaayada Waqooyiga Daarfuur oo lagu magacaabo Aadam Sakariya ayaa sheegay in 3 kamida Imaamyadii masaajidda la diley halka tiro kale oo dadkii musalliinta ahaana ay geeryoodeen ka dib duqeymo ay kooxdu ka geysteen magaalada Al Faashir.

Kooxda RSF oo taageero ka helaya Dowladda UAE ayaa u muuqata mid aan waxba reebanayn waxaana la arkaa in goobihii cibaadadu hadda ka dib noqdeen aagag dagaal.

Sida uu ka dhawaajiyey Aadam Sakariya Guddoomiyaha Awqaafta Waqooyiga Daarfuur 10 kamida masaajidda magaalada Al Faashir ayaa burburey halka kuwo badan oo kamid ahna aan laguba tukan, waxaana intaa dheer in la gurtey qalabkii masaajidda loogu shaqaynayey.

Dhanka kale Sheekh Aadam Daa’uud oo ah Maamulaha Markaska Qur’aanka Kariimka ah ee Al Faashir ayaa sheegay in 3 markas oo kuwo lagu barto Kalaamka Alle ay duqeymo u geysteen RSF.

Kooxdan ayaa u muuqata mid beegsanaysa waxkasta oo umadda ka dhexeeyay isla markaana aan u aabo yeelayn nafaha iyo hantidaba. Hore waxa kooxdan loogu eedaynayey kufsiyo badan oo ay ka geysteen Sudan tan iyo intii dagaalku socday.

Related Items

Update cookies preferences