Duufaanno daadad ah oo ka dhashay roobab mahiigaan ah ayaa salaasadii shalay ku dhuftay gobolka bari ee Valencia iyo qaybo ka mid ah koonfurta dalka Spain.
Ugu yaraan 64 qof ayaa ku dhintay daadadkan xooggan oo saameeyey waddooyinka iyo guud ahaan magaalooyinka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deggaanka.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya gawaadhi ay daadadku la tageen oo sabbaynaysa biyaha dushooda iyo qaar sidii qashin-qubka ay biyahu meel isugu geeyeen.
Carlos Mazon, hogaamiyaha gobolka Valencia, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in daadadka oo go’doomiyey dartood aan la geli karin meelaha qaar.
Ricardo Gabaldon, duqa magaallada Utiel ee gobolka Valencia, ayaa sheegay inay ahayd maalintii ay ugu darnayd noloshiisa. Waxaanu xusay in ay jiraan dad weli la la’yahay.
Dawladda Spain ayaa ciidan fara badan oo gaadhaya ilaa kun askari oo gurmad ah u daad-guraysay aagagga ay dhibaatadu saameysey.
Ilo-wareed ayaa sheegaya in tareen xawaarihiisu dheereeyo oo ay saarnaayeen rakaab dhan 291 qof kuna socday Madrid uu mar kaliya khadka ka baxay.
Waxaa gabi ahaanba la joojiyey tareennadii tagi jiray magaalooyinka Madrid iyo Barcelona, iyadoo dhanka kalena la hakiyay iskuullada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Masiibooyinka rabbaaniga ah ayaa aad ugu soo badanaya dalalka reer galbeedka oo dhibaatooyin toos ah iyo kuwo dadbanba ku haya muslimiinta caalamka.