Dab gestay khasaare fara badan oo maaliyadeed ayaa xalay ka kacay dhisme ku yaalla Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Lama oga waxa sababay dabkan oo gabi ahaanba uu ku shuf-beelay dhise ganacsi oo ku yaalla qeybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha, sida goob-joogayaal u sheegeen war-fidiyeenka.
Lama soo sheegin illaa hadda khasaare nafeed oo ka dhashay marka laga reebo hantida ku gubatay dhismaha basbeelay oo aan la ogeyn tirakoobkeeda.
Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn geeska Afrika iyo suuqyo kale oo waaweyn oo ku yaalla magaalooyinka Soomaaliyeed ayaa 30-kii sano ee la soo dhaafay gubtay marar badan kuwaasoo geystay khasaare culus.