FAAH-FAAHIN: Khasaaraha weerarkii maanta ee xerada Xalane iyo Buulo Xaaji.

Sunday November 03, 2024 - 15:13:27
Faah-faahin dheeriya ayaa kasoo baxaya madaafiicdii maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ku garaaceen xerada Xalane ee magaallada Muqdisho.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in weerarkaasi uu ka dhashay khasaare culus oo soo gaadhay caddaankii iyo madawgii xerada joogay.

Bakhtiga shaqaallaha caddaanka ah ee QM ayaa gaadhaya 3 qof, halka 2 askari ay ka bakhtiyeen 2 kalena ka dhaawacmeen ciidamada Uganda.

Sidoo kale waxaa iyagana bakhti iyo dhaawac ku noqday tiro caddaan American ah oo madfac ku dhacay goob ay ku cuntaynayeen.

Burbur xooggan ayaa lagu arkayay sawirro lagu baahiyey baraha bulshada, sidoo kale waxa burburay gaadiid isugu jira Xamuul iyo kuwa dagaal oo qorya ay saarnaayeen.

Dhanka gobolka Jubbada hoose, waxa aanu ka helnay xog dheeriya oo ku saabsan weerar maanta ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku qaadeen maleeshiyada Axmed-madoobe.

Weerarkan oo isugu jiray duqayn iyo dagaal toos ah ayaa lagu beegsaday xerada maleeshiyaadkani ku leeyihiin deggaanka Buulo Xaaji ee duleedka magaallada Kismaayo.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in maleeshiyadka Axmed-madoobe laga dilay 1 askari, halka 3 kalena laga dhaawacay.

Waxa kale oo xogta aanu helnay sheegaysaa in saanad millateri laga qabsaday ciidanka la weerary ee maamulka Jubbaland.



Related Items

Update cookies preferences