Dablay hubaysan oo reer Suudaan ah ayaa maalin ka hor dad fara badan ku xasuuqday tuullo ku taal koonfurta Caasimadda Suudaan ee Kharduum.
Ugu yaraan 124 qof ayaa lagu dilay tobanaan kalena waa lagu dhaawacay weerar jimchii lasoo dhaafay ay kooxda RSF ka geysatay tuullo hoos-tagta gobolka Al-Jaziira.
Duullaankan ayaa lagu sifeeyey mid ka mida dhacdooyinkii ugu dhimashada badnaa ee dagaallada ka socda Suudaan iyo weliba kii ugu weynaa ee gobolkaasi ka dhaca.
Gobolkan Al-Jaziirah ee xasuuqa darani ka dhacay ayaa la sheegayaa inuu kasoo jeedo sarkaale sare oo dhawaan ka goostay kooda RSF iskuna dhiibay ciidanka dawladda.
Weerarrada RSF oo maalmahan dambe aad u sii xoogeystay ayaa dad la hadlay war-fidiyeenku ay ku sifeeyeen inuu yahay aargoosi ka dhan ah deggaannada uu kasoo jeedo sarkaalka is-dhiibay.
"Dadka reer Jaziira waxa ay la kulmayaan xasuuq ay wadaan ciidamada RSF, mana dhici karto in dadka dhaawaca ah la dabiibo ama xitaa loo daad-gureeyo si loo dabiibo, kuwii lugaha ku tagayna waa ay dhinteen ama waxaa soo food-saartay dhimasho” ayaa lagu yidhi baaq ay soo saareen ururka dhakhaatiirta Suudaan.
Kooxda RSF ayaa horey Jaziirah uga geysatay dhibaatooyin isugu jira dil, dhac, boob iyo barakicin boqolaal kun oo qof oo rayid ah.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ugu yaraan 30 tuulo oo ku yaalla bariga gobolka Al-Jaziirah ay haawanayaan kadib markii dadka deggaanku ay ka firxadeen weerarada maleeshiyaadka aargoosiga ah.
RSF oo jimchii soo saartay bayaan ayaa ciidanka dawladda ku eedaysay inay hubeeyeen dadka rayidka ah ee ku nool gobolka Al-Jaziirah iyo inay adeegsadeen ciidamo ka amar qaata Keikal oo ah sarkaalka isu dhiibay dawladda, taas oo soo dedejisay ayay yidhaahdeen weerarrada.
Xoogagga RSF ayaa qabsaday qeybo badan oo ka mid ah dalka Suudaan kadib dagaal ba’an oo ay la galeen ciidanka dawladda, kaas oo sida la sheegayo barakiciyay in ka badan 11 milyan oo qof.