Melleteriga Suudaan oo Fallaagada Imaaraatku taageero ka qabsaday magaalo muhiim ah.

Wednesday October 23, 2024 - 17:18:31
Liibaan Jeexoow
Kadib dagaallo culus oo muddo isbuuc ah qaatay ayay ciidamada xukuumadda dabadhilifka Suudaan ugu suurtagashay in ay dib ula wareegaan mid kamida magaalooyinka muhiimka ah ee wadankaasi.
Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay maleeshiyaadka Janjawiidka RSF ee Imaaraadka Carabta taabacsan kala wareegeen gacan ku haynta magaalada Dindar ee wilaayada Sinaar.

Muuqaallo lagu faafiyay barta ciidanka Suudaan ee Internetka ayaa muujinayay kumanaan askari oo gudaha usii gelaya magaalada, goob joogayaal ayaa sheegay in meydad farabadan ay daadsanyihiin waddooyinka magaalada Dindar.

Maleeshiyaadkii RSF ayaa la sheegay in ay isaga baxeen magaaladan oo kaabiga ku haysa xuduudda ay wadaagaan Itoobiya iyo Suudaan.

Jeneraal Cabdifataax Alburhaan ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay dib ula wareegeen magaalada isagoo meesha ka saaray wadahadal ay lagalaan Jeneraal Xameeti oo uu ku sifeeyay hoggaamiye Fallaaga ah.

Magaaladan ay qabsadeen ciidamada Suudaan ayaa 400 oo Kiilowmitir ujirta caasimadda Kharduum waxaana kutaal xerada ugu weyn qaaradda Afrika ee lagu xanaaneeyo xayawaanaatka Duurjoogta ah.

Dendar waxay katirsan gobolka Sinaar ee dhaca Bariga Suudaan, dhinaca kale dagaallo ka dhacay magaalada Kharduum ayaa guuldarrooyin dhabarka loogu saariyay, ciidamada xukuumadda iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo isgarabsanaya ayaa sheegay in ay qabsadeen degmada Al-amaab ee Koonfurta Khurduum.

Dagaalka Suudaan oo socda 1 sano iyo 6 bilood ayaa udhaxeeya Jeneraallo talada ku hardamaya wuxuuna loollanka gallaaftay nolosha tobanaan kun oo shacab ah.

Related Items

Update cookies preferences