Maxaad ka ogtahay waxyaabaha ay wadaagaan labada maamul ee Taiwan iyo Somaliland?

Tuesday October 15, 2024 - 16:08:31
Liibaan Jeexoow
Dhawaan waxa siyaasadda Geeska Afrika ku soo biirey maamulka aan weli si rasmi ah loo aqoonsan ee Taywaan kaas oo lacago malaayiin ah ugu deeqay Somaliland.
Taywaan waxa ay iskaashiyo siyaasadeed iyo kuwo maalgalineed la samaysatey maamulka goonni goosadka ah ee Somaliland. Haddaba waxa la isweydiin karaa waa tuma Taywaan?

Taariikhda Jasiiradda Taywaan ee cusubi waxa ay ka soo bilaabantaa 1949-kii markii dagaal sokeeye Shiinaha ka dhacey.

Dal weynaha Shiinaha oo jasiiradda Taywaanna kamid ahayd waxa qabsadey dalka Jabbaan kahor ‘dagaalkii labaad ee dunida’.

Jabbaanka ka dib dagaallo sokeeye oo ka dhacey dalka Shiinaha waxa laga adkaadey boqortooyadii Shiinaha ee dalkaas ka talin jirtey sidaas darteed boqorkii waddanku waxa uu u baxsadey Jasiiradda Taywaan, halka Shiinaha intiisa kale ay la wareegeen maamulkii hantiwadaagga ahaa ee haddaba ka dhisan Shiinaha.

Magacii dalka Shiinaha waxa loo beddelay Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha halka maamulkii boqortooyada ee Shiinaha ee saldhigtey Taywaan ay la baxeen Dowladda Shiinaha ee Taywaan.

Waana halka ay ku kala duwan yihiin maamulka Somaliland oo isagu sheegtay in uu Soomaaliya ka go’ay halka Taywaan ay sheegato in ay tahay dawladdii sharciga ahayd ee dalka Shiinaha.

Dabayaaqadii sannadkii 1949-kii ayey Taywaan ku dhawaaqdey dowladnimadeeda ilaa haddana ma ay helin aqoonsi caalami ah. Jamhuuriyadda Shiinuhu waxa ay Jasiiraddan yar u aqoonsantahay goonni goosato mudan in xoog lagu qabsado.

Maxay ku kala duwan yihiin Somaliland iyo Taiwan?

Taywaan dhaqaalihii kabka ahaa ee ay Reergalbeedka ka heshay waxa la oran karaa waa ay ka faa’ideysatey, mashaariicdii ugu horreysay ee ay qabateyna waxa kamid ahaa in la dhiirri geliyo sector-ka beeraha.

Dakhliga ka soo baxa beerashada waxa ay Taywaan dib u gelin jirtey warshadaha curdinka ah ee isla jasiiradda ka jira. Halka Somaliland iyo maamullada kale ee Soomaalidaba keliya la cuno lacagta ‘mucaawimada’ loo siiyo.

Somaliland waxa ay sheegtay in ay ka go’dey Soomaaliya 1991 halka Taywaan ay sheegato in ay iyadu tahay dowladda sida sharciga ah u metesha dhammaan dadka Shiinaha.

Dhaqaale ahaan Somaliland waa maamul aan koboc badan sameyn halka Taywaan tahay ‘dalka’ 8aad ee ugu dhaqaale fiican Qaaradda Aasiya iyo waddanka 22 ee ugu dhaqaale wanaagsan adduunka.

Taywaan waxa ilaaliya Mareykan iyo Reergalbeed halka Somaliland aan Dowladda Federaalku ku hayn farogelon muuqata maaddaama oo Koonfurta laftigeeda ka jiraan tafaraaruq siyaasadeed.

Somaliland waxa ay xuduudkeeda ku sheegtaa intii Ingiriisku gumeysan jirey halka Taywaan sida aan hore u soo xusnay ay isu aragto dowladda sharciga ah ee Shiinaha.

Maxay wadaagaan labada maamul.

Qodobka ugu weyn ee ay wadaagaan labadan maamul waa in aaney helin aqoonsi duwali ah. Waxa kale oo ay wadaagaan in labaduba ay leeyihiin lacago u gaar ah(Taiwan dollar iyo Somaliland Shilling). Waxay leeyihiin calammo u gaar ah.

Xagga hannaanka maamul labadaba waa la soo doortaa hoggaamiyaha isaga oo ku yimaadda cod dadweyne. Labada maamul waxa ay leeyihiin Dal-kugal, inkasta oo dalkugalka Taywaan aad uga xooggan yahay kan Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences