Shirkii dabadhilifyada uga socday Villa Somalia oo qarka usaaran in lagu kala tago Wararkii ugu dambeeyay.

Sunday October 06, 2024 - 18:28:46
Liibaan Jeexoow
Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo gaba gaboobay shirkii magaalada Muqdisho uga socday qowsaarada gummeysiga kuwaas oo khilaaf ba'an uu u dhaxeeyo.
Shirka oo soo billaawday dabayaaqadii isbuucii hore ayaa laysku mari la'yahay, ilo wareedyo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland uu diiday dhammaan ajandayaashii uu shirka layimid Xasan Gurguurte waxaana kamid ahaa in muddo kororsi wadajir ah lasameysto kadibna sanadda 2025 dhammaadkeeda laqabto doorashooyin qof iyo cod ah.

Waxaa fashil kusoo idlaaday isku dayo lagu doonayay in Axmed Madoobe lagu qanciyo, ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Gurguurte uu ka carooday eedaymo uga yimid hoggaamiyaha maamulka Jubbaland kuwaas oo ahaa in uu siyaasadda hanaan qabyaaladeed ku wado.

Qodobada sida aadka ah laysugu khilaafay waxaa kamid ah Axmed Madoobe oo dalbaday in shirka lagusoo biiriyo madaxda maamullada Puntland iyo khaatumo islamarkaana meesha laga saaro doorashooyinka qof iyo cod.

Dhinaca kale afhayeenka Axmed Madoobe ayaa warsaxaafadeed uu kasoo saaray magaalada Kismaayo wuxuu eedaymo culus ugu jeediyay Xasan Gurguurte.

Haddii shirkani uu fashilmo ayaa lasaadaalinayaa in Xasan Gurguurte uu ku hungoobi doono dadaalladii uu ku doonayay muddo kororsiga kuwaas oo diidmo adag ay ka muujiyeen siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Related Items

Update cookies preferences