Maxamed Bin Salmaan: waxaan ka cabsanayaa in la ii dilo sidii Saadaat.

Thursday August 15, 2024 - 09:39:09
Liibaan Jeexoow
Dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudiga isla markaana ah hoggaamiyaha sida dadban u maamula dalkaas ayaa ka dhawaajiyey walaaca uu ka qabo in loo dilo sidii ku dhacdey madaxweynihii hore ee Masar Anwar Al Saadaat.
Maxamer Bin Salmaan oo la kulmey xubno ka tirsan congress-ka Mareykanka ayaa ku nuuxnuuxsadey sida uu uga cabsi qabo shirqool lagu sameeyo haddii uu heshiis la galo Yuhuudda oo ku daaban Mareykanka.

"Markii Anwar Al Saadaat heshiiska la saxiixdey Israel waa la diley laakiin Mareykanku muxuu u ilaalin waayey Saadaat” Bin Salmaan.

Dhaxal sugaha ayaa ku calaacaley in uu dareenka dadyowga Carbeed aad u kacsan yahay isla markaana heshiiskani khatar ku yahay naftiisa waxa aanu intaa ku darey bal ugu yaraan in la aqoonsado dowlad Falastiin leedahay oo madax bannaan.

Xogtan xasaasiga ah oo uu baahiyey Wargeyska Politico ee laga leeyahay Mareykanka ayaa tilmaameysa sida hoggaamiyaha Sucuudigu quusta u taagan yahay laakiin saraakiisha Mareykanku waxa ay ku wargeliyeen Bin Salmaan haddii uu heshiiska saxiixo in uu helayo ‘ilaalin amni oo dhammeystiran’ waxa kale oo ay u ballanqaadeen mashaariic horumarineed oo dhanka dhaqaalaha ah iyo waliba isticmaalka nuclear-ka qaab tamar ah.

Shuruudaha lagu xirey dhaxal sugaha ayaa wargeysku ku sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu hakiyo ama xaddido xiriirka uu la leeyahay dalka Shiinaha. Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasaddu waxa ay sheegayaan in haddii Maxamed Salmaan xiriirka u jaro Shiinaha uu halkaas ku burburayo isu soo dhaweyntii Jamhuuriyadda Shiicada Iiraan iyo Sucuudigu.

Dagaalka ka socda Qaza tan iyo Oktoobartii sannadkii hore ayaa si toos ah saameyn ugu yeeshay dawladaha dabadhilifka ah ee muslimiinta ku amar taagleeya taas oo sababtey in hoggaamiye waliba uu adkeeyo amnigiisa.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences