Dhaqaalaha wadanka Itoobiya ayaa qarka usaaran in uu sagxadda tago sababa laxiriira dagaallada sokeeye kuwaas oo naafeeyay nolosha bulshada.
Inkastoo dowladda Xabashida ay qaadday tallaabooyin ay ugu qeylla dhaansatay hay'adaha maaliyadda reergalbeedka hadane weli wuxuu dhaqaalaha wadankaasi wajahayaa marxalad adag.
Jowhar Maxamed oo ah hoggaamiye mucaarad ah ayaa ku dhawaaqay in dhaqaalaha Itoobiya uu marxalad halis ah marayo isagoo nidaamka Abiy Axmed ku eedeeyay in uu hubanti la'aan geliyay wadajirka bulshada iyo dhaqaalihii uu wadankani lahaa.
Jawar waxa uu sheegay in dawladda Itoobiya ay haysato hal wadiiqo oo kaliya oo ah inay wada-xaajood la gasho kooxaha hubaysan ee dagaalka kula jira.
"Soddonkii sano ee lasoo dhaafay, kobaca dhaqaale ee Itoobiya oo ahaa 8% ayaa hoos ugu dhacay 2.5% sannadkii la soo dhaafay, sababta ugu weynina waa dagaalka, sida uu sheegay safiirka Mareykanka.
Wuxuu sidoo kale xoojiyay in, si loo joojiyo hoos u dhaca dhaqaale, ikhtiyaarka keliya uu yahay in dagaallada la joojiyo iyadoo la isticmaalayo wada-xaajood iyo nabadeyn."ayuu yiri jowhar.
Dagaallada ka holcaya Itoobiya gaar ahaan gobollada Tigray iyo Amhara ayaa gallaaftay nolosha boqolaal kun oo ruux