Waxa habeenkii xalay ahaa Xarakada Xamaas in uu hoggaamiyo loo cumaamadey Yaxye Sinwaar oo ahaa hoggaamiyaha Xamaas ee magaalada Qaza.
Doorashada Yaxye waxa ay keentay hadal hayn badan taas oo Yuhuudda iyo Reergalbeedka ku abuurtey cabsi horleh.
Xoghaya Arrimaha Dibedda Mareykanka oo ka hadlaya doorashada Sinwaar waxa uu ku tilmaamey arrin adag islamarkaana waxa uu sheegay in heshiiska iyo sii wadidda dagaalku ay ku jirto gacanta Sinwaar,halka Yuhuuddu ka dayriyeen soo magacaabidda sarkaalkan.
Haddaba maxay tahay waxa xilligin kusoo beegay in Sinwaar loo magacaabo hoggaamiyaha guud ee Xarakada Xamaas.
1: Si looga dheeraado shirqool.
Tan iyo markii toddobaadkii tegay la diley hoggaankii guud ee Xamaas Ismaaciil Haniya waxa soo baxayey walaaca laga qabo in la dili karo hoggaamiye kasta oo dibed meer ah, waxa aaney noqotey in Qaza tahay meesha ugu amniga badan ee saraakiisha Xamaas dagaalka ka wadi karaan, taas oo haddii xitaa ay shahiidaan sababeysa in si fudud Xarakadu u dooran karto hoggaan kale.
Haddii xataa la dilo haggaamiyaha cidda ugu hor ogaanaysaa waa isla xarakada taas oo xilligii munaasib ah la iclaamin karo geerida hoggaamiyaha.
2: Hal adkaanta Yaxya Sinwaar.
Sinwaar waa sarkaal khibrad sare leh oo horraantii lixdameeyadii ku dhashey deegaanka Khaan Yoonis ee Falastiin. Waxa uu yaraantiisii ku korey nolol adag oo faqiirnimo dabadeed waxa uu waxbarashadiisii ku qaatey Qasa.
Waxbarashada heerka sare wuxu ku qaatey Jaamadda Islaamiga ah ee Qasa.
Sinwaar xilli horeba waxa uu ku biirey Xarakada Xamaas laakiin nasiib darro waxa uu gacanta u galey cadowga Yuhuudda sannadkii 1989 isaga oo xabsiga ku qaatey muddo dheer oo labaatan sano ka badan, Sinwaar ugu dambeyn waxa heshiis siyaasadeed oo dhexmarey Xamaas iyo Yuhuudda lagu soo daayey sannadkii 2011.
Dhabar adeyga uu ku samrey xaaladihii adkaa ee xabsiga waxa ay ka dhigeen Sinwaar mid dib ula qabsada marxaladdii xorriyadda dabadeed waxa sannadkii 2017 loo magacaabey hoggaamiya Xarakada ee Marinka Qasa.
Sideedaba siyaasadda Xamaas waxa ay mandaqadaha ay ka hawlgasho u qaybisey 3 mandiqadood. Qaza oo ah wadnaha halganka isla markaana uu taladeeda hayey Sinwaar.
Daanta Galbeed oo uu madax u ahaa Alle haw naxariistee hoggaamiyihii dhawaan la diley Saalax Caruuri iyo wixii labadaas ka baxsan(dibedda) oo loo dhiibey Khaalid Mashcal. Hoggaamiyaha guudna waxa uu ahaa Haniyah.
Ka dib hoggaamin diblomaasiyadeed(wadahadallo furan) oo Haniya ku metelayey Xamaas waxa la rejaynayaa in taladu ku noqoto gacanta adag ee Sinwaar taas oo ka dhigan ama Falastiin baa la waayi ama Israel.
Tanina waa qodob kale oo tilmaamaya in Xamaas aaney dib waxba u dhowran doonin itaal meel uu dhigaba. Wadahadalladuna ay halkaa ku joogsan doonaan inta lakala adkaanayo.
Warsame Warfaa
Warsame Warfaa