Maxay Jabuuti wasiirkeeda arrimaha dibadda ugu dirtay dalka Imaaraatka Carabta? [Warbixin].

Tuesday July 30, 2024 - 18:12:37
Liibaan Jeexoow
Waxaa dalka Isutagga Imaaraatka safar ku tagey Wasiir Dibedda Jabbuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo muddo sanada ah aan waddanka booqan.
Waxa wasiirkan magaalada Abu Dhabi ku qaabiley dhiggiisa Cabdillaahi Bin Saayid, inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin ujeedka socdaalka wafdigan ayaa hadane larumeysanyahay in Imaaraatku isku dayayo qaboojinta xiisadda ka aloosan geeska Afrika si uu masaalxidiisa dhaqaale u ilaashado.

Kulankan ayaa sida saxaafaddu warisey lagaga wada hadley xiriirka labada dal iyo danaha gobolk,. Jabbuuti iyo dalka Isutagga Immaaraatka ayaa in muddo ah xiriirkoodu xumaa kadib markii Jabuuti dalkeeda ka cayrisey shirkadda dekadaha DP World oo laga leeyahay Immaaraatka Carabta.

Xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shirkadda Imaaraatka dib ugala wareegtay dekadda Dooraaley kadib markii ay DP World ay ku eedaysay khiyaano iyo hanti lunsasho.

Dalka Immaaraatka ayaa u muuqda mid galaangal weyn ku yeelanaya Geeska Afrika kadib markii dhawaan uu sheegay in uu soo afjarayo khilaafkii u dhexeeyay iyaga iyo dawladda Suudaan ee Alburhaan hoggaamiyo.

Xukuumadda Abu Dubai ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xoogga saaraysay in ay la wareegto dekedaha Geeska Afrika iyadoo heshiis hore la gashay Xukuumaddii Siilaanyo ee maamulka Somaliland halkaas oo uu kula wareegay gacan ku haynta dekedda Berbera.

Immaaraadku waxa kale oo uu ka hawlgalaa dekedda Boosaaso ee Puntland, waxaana larumeysanyahay in uu dalalka geeska ka sameysano aagag dhaqaale oo isagu kaligiis ku yahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in heshiiska MoU-ga Somaliland iyo Itoobiya uu qayb weyn ku leeyahay Immaaraatku islamarkaana uu Xabashida Itoobiya kula heshiiyay in uu udhisayo dekadah Soomaaliya haddii ay qabsato xeebaha gobolka Awdal.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheega in Itoobiya aaney awoodin lacag ay ku dhisi karto deked isla markaana dhaqaalaha Itoobiya aad u liito.

Waxaana muuqata in Imaaraatku uu dowladda Qadar kaga guuleystay awoodda geeska Afrika isagoo weli uhanqal taagaya sidii uu usii boobi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences