Markii ugu horraysay madaxweynaha Yukreyn ayaa ka hadlay tirada ciidamadiisa looga dilay dagaalka culus ee ay kula jiraan melleteriga Ruushka mudada 2-ada sano ah ee uu dagaalkaasi socdo.
Volodymyr Zelenskyy oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Kiyeef ayaa sheegay in duullaanka Ruushka ee dalkiisa ay ku waayeen 31 kun oo askari halka kumanaan kun oo kale ay ku dhaawacmeen.
"31 kun oo askari ayaa noogala dilay dagaalka Yukreyn ee ma ahan 300 oo kun ama 150 kun oo askari" ayuu yiri Volodymyr Zelenskyy oo meesha ka saarayay tirakoobyo farabadan oo sanadadii uu dagaalku socday ay warbaahintu ka tebinaysay askarta Yukreyn ee Ruushku dilay.
Warbixinno horay usoo baxay ayaa sheegayay in ku dhowaad nus milyan qof ay Ruushka iyo Yukreyn isaga dileen dagaallada balse tirada rasmiga ah waxaa shalay iclaamiyay Madaxweynaha Yukreyn.
isagoo hadalkiisa sii wata ayuu eedayn kulul ujeediyay dowladaha reergalbeedka gaar ahaan Yurub iyo America oo uu sheegay in ay dib udhigeen kaalmadii dhaqaale iyo middii melleteri ee ay uqoondeeyeen dowladda Yukreyn si ah isaga difaacdo buu yiri duullaanka ballaaran ee ruushka.
"dib udhaca kaalmada melleteri iyo midda dhaqaale ee xulufadeedu noogu talagaleen ayaa sababaysa in askar badan ay naga dhintaan dhul hor lehna aan khasaarinno" ayuu markale ku calaancalay Zelenskyy.
Wasiirka difaaca xukuumadda Kiyeef ayaa isna sheegay in 50% taageeradii melleeteri ee Yurub ay uballan qaadday dowladdiisa aan lahelin wuxuuna ugu baaqay Mareykanka iyo Yurub in ay dedejiyaan taageerada melleeteri ee ay Yukreyn ugu talagaleen si dhul hor leh looga saaro ciidanka Ruushka.
dhinaca kale magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska waxaa ka furmay shir caalami ah oo taageero dhaqaale loogu fidinayo dowladda Yukreyn si ay isaga difaacdo duullaanka Ruushka.
Shirkan oo ay ka qeyb gelayaan inkabadan 20 dowladood oo ubadan kuwa qaaradda Yurub ayaa ujeedka laga leeyahay uu yahay in dib boorka looga jafo dagaalka Yukreyn oo gaabis ku yimid tan iyo bishii October ee sanaddii 2023 kolkaas oo muqaawamada Falasdiin ay weerar culus ku qaadeen maamulka Yahuudda sahyuuniyadda.
dowladaha reergalbeedka gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka ayaa kala bar taageeradii ay siin jireen Yukreyn uwareejiyay dhanka Yahuudda xasuuqa ka wadda magalada qaza.
Dowladaha Mareykanka,Faransiiska,Ingiriiska,Jarmalka iyo Kanada ayaa horraantii bishaan sheegay in ay dardar gelinayaa kaalmaha ay siinayaan xukuumadda Kiyeef iyagoona dowladaha kale ugu baaqay in ay bixiyaan qarashaadkii ay horay uballan qaadeen.
Faladamiir Putin ayaa wareysi uu dhowaan bixiyay wuxuu aad ugu dhaliilay reergalbeedka ka qeyb qaadashada dagaalka Yukreyn isagoo ku eedeeyay in ay dayaceen waxqabadkii shucuubtooda taas bedelkeeda ay lacago bilyanis ah ku bixiyaan colaadda Yukreyn.
Si kastaba ha ahaatee dagaalka Yukreyn oo laba sana jirsaday ma muuqato cid ku guuleysatay, Ruushku ma gaarin damaciisi ahaa in Kiyeef uu hoos geeyo Muscow reergalbeedkuna kuma guulaysan in ay Yukreyn ka xoreeyaan ciidanka Ruushka.