Taariikhdu waa fahamka, barashada, gorfaynta iyo dhuuxidda wixii la soo maray iyada oo la adeegsanaayo tixraacyada qoran, kuwa affeed iyo aasaarta qadiimka ah.
Guud ahaan taariikhdu waxa ay dadka ku caawin karaan in ay si wanaagsan u fahmaan ahaanshiiyahooda bulsho, dhaqan, diin, siyaasad ama jiritaan. Bulshada aan taariikhdeeda aqoonin, waxa ay mar walba halis ugu jirtaa in ay ku dhacdo khaladaad ay hore ugu soo dhacday.
Taariikhda oo leh dhammaan fahamkeeda guulaha iyo guuldarrooyinka, waxa ay muhiim u tahay jiritaanka ummadaha, waana isha ugu weyn ee ay ummadduhu uga dhimbiil qaataan mustaqbalkooda. Sida ay khubaradu qabaan, haddii ummaddu ay fahmi kari waydo taariikhdeeda, waxa ay halis ugu jirtaa in ay lunto ama tirtiranto. Sidaasidaraaddeed, taariikhdu waa meesha laga barto khalad iyo saxba wixii hore loo soo maray, mustaqbalkana looga shidaal qaato.
Soomaalidu guud ahaan waa dad Muslimiin ah oo deggan gobolkan muhiimka ah ee Geeska Afrika, Muslimnimadoodu waxa ay siisay taariikh jiritaan oo ay la wadaagaan dadka kale ee Muslimiinta ah ee guud ahaan adduunka, gaar ahaan dadka Carbeed ee ay deriska yihiin. Sida oo kale, waxa ay Soomaalidu loollan kula jireen gaalada gobolkan Geeska Afrika. Loollanku mar waxa uu ahaa mid diineed, mar kalena waxa uu ahaa mid dal, mar saddexaadna waxa uu ahaa mid awoodeed.
Gaalada Geeska Afrika waxa wakiil ka ahaa mar walba Xabashida oo jiritaan muuqda ku lahaa buuralayda sare ee dhulka maanta la yidhaahdo Itoobiya. Xabashidu waxa ay calanka u sideen kufriga iyo gaalnimada Geeska Afrika, Soomaaliduna waxa ay calanka u sideen Islaamnimada iyo tawxiidka. Halkaas ayay colaadda ugu weyni ka bilaabantay, walina ay ka taagantahay. Xabashidu waxa ay taageero muuqata oo hub, ciidan, farsamo iyo siyaasadeedba ka helayeen guud ahaanba gaalada caalamka, waxaana Itoobiya si weyn mar walba u taageeraayay kolba quwadaha waaweyn ee adduunka ka jiray ee gaalada ahaa, sida Burtuqiiska, Faransiiska, Ingiriiska iyo Maraykanka.
Boqorkii Itoobiya ee boqor Menelik II minnaaradda masaajidka Herer ayuu isku taagay oo uu ku kaajay inta uu koray sannadkii 1887kii, ka dibna waxa uu yidhi ‘gadaashay lagugu tukan maayo’. Run ayay noqotay oo isaga gadaashii laguma tukanin, masaajidkiina waxa uu u beddelay kiniisad. Ilaa maalintaas, Soomaalida dhulkeeda ayaa ahaa bartilmaameed, waxaana gacanta sare lahaa boqortooyooyinkii gumaysiga ahaa ee Itoobiya. Maalin walba waxa sii hirgalaayay dhul ballaadhsiga Itoobiya, jabka iyo gunnimaduna waxa ay yaalleen guri kasta oo Soomaaliyeed.
Waan rejaynayaa in aad akhriday ama aad akhriyi doonto maqaalka kooban, laakiin muhiimka ah ee uu qoray Nuuraddiin Faarax sannadkii 1978kii. Waa maqaalka uu u bixiyay ‘Which Way to the Sea, Please?’. Maqaalkani waxa uu soo guurinayaa taariikh aad u ballaadhan oo ku saabsan damaca Itoobiya ee dhul ballaadhsiga ah, gaar ahaanna damaca badaha iyo dekkadaha. Waa taariikh dheer oo xambaarsan hiigsigii boqorradii Itoobiya ee kala dambeeyey iyo dhambaalladii ay boqorradaasi u kala diri jireen gaalada adduunka si ay uga helaan taageero siyaasaddeed, mid farsamo iyo mid ciidan si ay ugu qabsadaan dadka Muslimiinta ah ee Geeska Afrika. Sida oo kale, waan rejaynayaa in aad maantana si wanaagsan ula socoto halka geeddigaasi uu maraayo iyo damaca waalan ee horjoogaha Itoobiya.
Maalin waliba waayaheeda ayay lahayd, laakiin jidkaa dheer ayaa mar walba lagu soo socday. Loollanka xaqqa iyo baaddilka ayaa mar walba joogto ahaa. Dhinac waliba waxa uu isku dayaayay in uu dhinaca kale riixo. Sababo badan aawadood, ugu yaraan boqolkii sannadood ee ugu dambeeyey, waxa si weyn u xoogaystay baadilka Geeska Afrika, waxaana la curyaamiyay halgammada gobannimodoonka ah ee gobolkan. Soomaalidu awood ahaan iyo aragti ahaanba way jabnaayeen in muddo ah, taas ayaana keentay in ugu dambayntii ay cadawgu arrimaheenna gudaha maamul buuxa ku yeeshaan, danahooda si fudud u fushadaan, jiritaankeenna si adag ula dagaallamaan, iyaguna ay jiritaankooda dhidibbada u adkeeyaan.
Rubuc qarnigan ugu dambeeyey oo kaliya, markii jabkaasi gaadhay heerkiisii ugu sarreeyey, Soomaalidu waxa ay u qaybsameen halgamaa iyo haaheeyeraac. Nidaamyada ciidda Soomaaliyeed maanta ka dhisani waa haaheeyeraac, hoggaankooduna waa dhal gumaysi iyo garab shaydaan. Waa nidaamyo ay soo dhiseen, dhaqaalena ay jiritaankooda ku bixiyaan inta ujeeddada gurracan ka leh Soomaaliya. Waa nidaamyo aanu marnaba qayb ka ahaan karin nin leh aragti ummaddeed iyo ujeeddo nololeed oo hagaagsan.
Asalka maamulladani waa gunnimo iyo gobolaysi ku dhisan aragti gumaysi. Waa maamullo loogu talo galay in ay sakaraadka inagu dheereeyaan, gobannimadeenna dilaan, dalkeenna dhaxal wareejiyaan, jiritaankeennana ay dhadhamo dhaafsadaan. Gaalada adduunku, maanta Soomaalida uma oggola dawlad Islaam ah, sida oo kalena uma oggola dawlad kaafirad ah laakiin siyaasad ahaan madaxbannaan, dhaqaale ahaan isku filan, ciidan ahaanna awood leh. Waxa ay doonayaan in aynu ku hoos noolaano maamullo yaryar oo dhammaantood wada gun ah.
Kollay waad maqashay in Raysalwasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi laga soo xigtay in uu yidhi sannadkii 1996kii ‘annagu waxa aanu rabnaa shacab Soomaaliyeed, laakiin ma rabno dawlad Soomaaliyeed’. Sida oo kale, kollay waad maqashay in Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi uu yidhi sannadkii 2003dii ‘Kenya iyo Itoobiya waxa ay doonayaan in dalka Soomaaliya uu ahaado dal leh dawlad taag daran’, isaga oo intaas raaciyay in ay ka cabsi qabaan haddii dawlad dhexe oo hagaagsani ay Soomaaliya ka dhalato in ay taasi horseedi karto in ay dib u soo noolaato aragtidii Soomaaliweyn oo khattar ku ah Kenya iyo Itoobiya.
Maraykanku dhiniciisa waxa uu mar walba ahaa mid indhaha ku haya arrimaha Soomaaliya, isaga oo mar walba hiil u ahaa gumaysiga Itoobiya. Kollay waad maqashay xilligii uu socday duullaankii Xabashida ee Soomaaliya sannadkii 2006dii in Xoghayihii Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsanayd arrimaha Afrika Jendayi Frazer ay sheegtay in aanay marnaba suurtogal ahayn in Soomaalidu ay haystaan xeebta ugu dheer Afrika, Itoobiyaanka oo dad ahaan aad uga badanina ay xeeb la’aan ahaadaan. Dhinaca kale, Maraykanku waxa uu awooddiisa isugu geeyey in aanay marnaba Soomaaliya ka dhalanin dawladnimo ay dadku leeyihiin oo danahooda ka shaqayn karta, diintooda u ilaalin karta, cadawgana ka difaaci karta.
Iyada oo haddaba qorsheyaashaas isku lammaan la fulinaayo, sida oo kalena gacan laga helaayo adeegeyaal af Soomaali ku hadla, waxa la dilay ama la qafaashay oo la waayay ama xabsiyada lagu illaaway nin kasta oo xaqqiiqadaas qadhaadh ka gilgilan kara. Waad wada xusuusataa hebellada la dilay ama la waayay ama xabsiyada laga buuxiyay. Muddo dheer, Xabashida oo wakiil ka ah gaalada caalamka, ka dibna adeegsanaysa adeegeyaal af Soomaali ku hadla, waxa ay burburiyeen iftiin kasta oo ka soo baxay Soomaaliya, maantana gaalada adduunka oo isa soo bahaystay waxa ay dagaal kula jiraan gumaysidiidka Soomaaliyeed iyaga oo leh magacyo kala duwan iyo ujeeddo mid ah.
Duullaanka gaalada ee Soomaaliya maanta wax sir ah maaha. Waa duullaan caalami ah oo xoog iyo xeeladba adeegsanaaya. Ujeeddada duullaankani waxa weeyaan qabsashada dhulkeenna, addoonsiga dadkeenna, boobka khayraadkeenna iyo tirtiridda diinteenna iyo dadnimadeenna. Gaalada caalamku sidaas ayay Soomaalida isugu soo bahaysteen, waxaanay go’aan ku gaadheen in dalkooda la boobo, haldoorkooda la laayo, diintooda laga fitneeyo, hormuudna looga dhigo awr kiraaaleyaal af Soomaali ku hadla.
Arrimahaasi waxa ay ahaayeen ujeedooyinka duullaannada kala dambeeyey ee gumaysigu uu Soomaaliya ku soo qaaday, laakiin ‘ummaddaha lama dhammayn karo!’, sidaasidaraaddeed, mar walba waxa taagan koox dhagaraha cadawga Ilaahay fahamsiiyay, diyaarna u ah in ay dhiiggooda iyo naftoodaba u huraan ilaalinta diintooda, dadkooda iyo jiritaankooda.
Soomaalidu sannadkan maanta ah malaha dad badan oo indheergarad ah (Intellectuals). Waxa dhacay nabaadguur dad iyo mid fikir oo baahsan. Way jiraan dad badan oo shahaadooyin waaweyn haysta, balse waxa aad u yar ama aan jirinba dad shahaadooyinku ay u kordhiyeen fikir iyo aragti isbeddel.
Adeegeyaasha af Soomaaliga ku hadla waxa carrabkooda ku badan ereyada iskaashi, isdhexgal, istixgelin, wada noolaansho iyo deris wanaag. Kuwani, waa ereyo gumaysi oo la doonaayo in ummadda loo hoosaasiyo cadawgooda, si ay u gumoobaan, ka dibna loo gumaysan karo. Haddii aynu Soomaali nahay, cadawgeennu waa ayo? Waa reer Galbeedka, dawladaha deriska ah ee loollanka jiritaan uu inaga dhexeeyo sida oo kalena wakiilka u ah reer Galbeedka iyo adeegeyaasha af Soomaaliga ku hadla! Haddaba, haddii aad doonayso in aad ogaato cidda nasteexa u ah danaha Soomaaliyeed ee mustaqbalka dheer, waxa aad eegtaa cadawgeennu yuu cadaw u yaqaannaa? Qof kasta oo cadawgaagu uu cadaw u yaqaanno ayaa nasteex kuu ah. Markan oo kale, waxa la eegaa cidda ‘leebka cadawgu uu ku sii jeedo!’. Haddaba aan ku waydiiyee, maanta ‘leebka cadawgu’ halkee buu ku sii jeedaa? Ma Muuse Biixi, ma Xassan Sheekh, ma Siciid-Deni mise Axmed-Madoobe? Maya, kuwaas kuma sii jeedo leebka cadawgu. Kuwaasi waa adeegeyaal af Soomaali ku hadla! Laakiin, akhriste waad taqaannaa cidda ‘leebka cadawgu’ uu ku sii jeedo, ciddaas ayaana ah xaq-u-dirirka rasmiga ah ee ay tahay in aad la safato.
Maanta, gaaladu guud ahaan iyo gaar ahaanba si weyn ayay ugu jabeen saaxadda dagaalka ee Soomaaliya. Gumaysidiidka Soomaaliyeed waxa ay soo bandhigeen dagaal nuxurkiisu yahay: Aan ku arko ee adigu ha I arkin. Aan ku weeraro ee adigu ha I weeranin. Aan ku dilo ee adigu ha I dilin. Aan seexdo ee adigu ha seexanin. Aan kula socdo ee adigu ha ila soconin. Aan nasto ee adigu ha nasanin. Dagaalka noocan ahi, waxa uu niyadjab weyn ku riday duullaanka isbahaysiga gaalada iyo adeegeyaashooda af Soomaaliga ku hadla, tamartooduna waxa ay ku soo ururtay difaacyo iyo godad ay ku sugaan weerarrada gumaysidiidka iyo diyaarado hawada meeraysta.
Maanta calanka gumaysigu wuu sii liicayaa, kan gobannimodoonkuna wuu sii bulaalayaa. Aan tusaale kooban ku siiyo: La Taliyaha Amniga ee xukuumadda Xassan Sheekh Maxamuud ninka la yidhaahdo Xusseen Macallin Maxamuud oo February 16, 2024ka u warramay VOA Somali ayaa xaqqiijiyay in bixitaankii ciidamada gaalada ATMIS ee dhammaadka sannadkan 2024ka aanay suurtogal ahayn, sidaasidaraaddeedna ay Soomaaliya wali sii joogi doonaan ciidamo uu ku sheegey in ay yihiin ciidamo caalami ah. Magaca ciidamadan cusub ayuu ku sheegey ‘Multinational Forces’ ama ciidamo isku dhaf ah. Tirada ciidamadan ayuu ku sheegey 3,000 ilaa 8,000. Ciidamadan ayuu sheegey in ay ilaalin doonaan magaalooyinka waaweyn iyo xarumaha dawliga ah iyo xarumaha hay’adaha shisheeye iyo safaaraduhu ay degganyihiin. Waxa xusuusin leh, isla Xusseen Macallin Maxamuud waraysi uu siiyay VOA Somali bishii March 2, 2023kii waxa uu sheegey in marka la gaadho bisha July, 2024ka, guud ahaan dalka Soomaaliya laga sifayn doono waxa uu ugu yeedhay ‘xooggagga argagixisada ah’. Ballanqaadkaasi waxa uu ku biiray liiska ‘beenihii beenoobay’, maantana xukuumadda Xamar waxa ay dawarsanaysaa gaalo cusub oo ku ilaalisa godadka ay ku jirto.
Ilaahay mahaddii, waxa maanta guud ahaanba jabay wax ka badan 90% damacii gumaysiga Soomaaliya. Waxa dhicisoobay isku daygii boobka khayraadka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca barriga. Waxa dhashay oo qaangaadhay jiil badan oo dhalinyaro ah oo ku koray dadnimo, diin iyo aragti sare. Waxa si xooggan u wiiqmay niyaddii ay gumaysteyaashu u hayeen in ay xoog ku qabsan karaan Soomaaliya. Xaqqiiqadu waxa weeye, gaalada Soomaaliya duullaanka ku soo qaadday waxa ay muddoba kala dooranayeen laba doorasho oo aad u qadhaadh: Dagaal lagu dabargo’o ama heshiis lagu dulloobo! Ta hore ee ah dagaalka lagu dabargoynaayo, muddo ayuu soo socday. Si run ah ayay uga daaleen, ugu jabeen, uguna dabargo’een, xaqqiiqada qadhaadhna way dhadhamiyeen. Maanta waxa ay u sii dhawaanayaan in ay aqbalaan heshiis lagu dulloobo. Laakiin, waxa guushaa weyn inaga xiga dhiig badan oo daata iyo geesiyo badan oo geeriyooda! Soomaalidu waxa ay yidhaahdaan: Raggu waa nin kaa maqan iyo nin kuu maqan iyo nin kugu maqan.
Nin iska maqani ma jiro! Soomaalida badankoodu maanta iyaga ayaa isku wada maqan, cadawguna iyaga ayuu ku maqanyahay. Dagaallada naf badbaadinta ah ee Soomaaliya ka socdaa waa dagaallo la doonaayo in lagu hor joogsado xulafo caalami ah oo doonaaya in ay xoog ama xeelad ku qaataan khayraadka Soomaaliya. Waa dagaallo la doonaayo in lagu dabargooyo adeegeyaal af Soomaali ku hadla oo damiirkooda, diintooda iyo dalkoodaba dhaafsaday sandareero kooban iyo xilal magac u yaal ah. Waa dagaallo lagu kala dooranaayo jiritaan iyo tirtiran. Sidaasidaraaddeed, qof kasta oo Soomaali ah oo himilo dawladnimo, sarriigasho, dareen qofnimo iyo xamaasad diineed leh waxa aan rabaa in aan ku idhaahdo: Fadlan ka kor qoysnimada, qabiilnimada, deegaan-sheegashada yar iyo is ururinta dabarka ku ah qofnimadaada, diintaada iyo caqligaaga. Ka kac dhulka oo ka gilgilo diintaada lagu soo duulay, dalkaaga la boobaayo iyo dadnimadaada la tirtiraayo.
Ugu dambayntii, tani waa farriin aan doonaayo in ay qayb ka qaadato qof kasta go’aankiisa qori ku dagaallanka ah. Waa farriin ujeeddadeedu ay tahay in aan ku dareensiiyo in saaxadda dagaalku ay u baahantahay xooggaaga iyo xirfaddaada. Waa farriin xambaarsan xog warran, isku xisaabtan iyo lexejeclo. Waxa aan kuu soo rejaynayaa in aad fahanto sababta farriintan. Inkasta oo damaca cadawgu wiiqmay, haddana run ahaantii, maanta Soomaaliya waxa ay maraysaa xaalad adag. Waxa la taaganyahay isgoys aad u khattar badan oo gobanniimada iyo gunnimada kala qaybiya. Nin kasta oo maanta sooduuleyaasha af ama addin ku taageera, waxa uu doortay jidka gunnimada, dadnimo la’aanta iyo diin-ka-baxa. Sida oo kale, nin kasta oo maanta afkiisa ama addinkiisa ku difaaca jiritaankiisa, waxa uu doortay jidka gobanniimada. Waa jid ku dhammaada nolol sharaf leh ama geeri janno leh.
Halgankani maaha mid xil ama xoolo lagu doonaayo, laakiin waa halgan dal, diin iyo dadnimo badbaadin ah. Qof kasta waxa aan leeyahay ‘haddii aad geerida oggolaato, nolosha waa laguu oggolaanayaa’. Suurtogal maaha in aad geerida diiddo, ka dibna aad gobanniimo ku riyooto. Mar walba, gobanniimada geeri ayaa ka sokaysa. Ummaddii taas fahmi kari waydaa, waxa ay ku dambaysaa gunnimo, gumaysi iyo liidasho taariikheed oo foolxun. Sidaasidaraaddeed, qof kasta oo ay farriintani gaadho, waxa aan xusuusinayaa in maalmuhu tirsanyihiin, xaaladdu adagtahay, xooggiisuna uu lama huraan u yahay difaaca dalkan, diintan iyo dadnimada ummadda Soomaaliyeed.
Nabadgelyo!
W/Q: Nageeye Cali Khaliif