Kadib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ku baaqay guluf colaadeed ee ka dhan ah ururka Al-Shabaab, ayaa wuxuu dalka mar labaad qarka usaaran yahay in uu lugaha la galo dagaalo sokeeye iyo colaado hor leh. Soomaaliya oo horaanba u waajahysay xaalado adag iyo abaaro xoogan, ayaa haddana foolaneysa dagaal cusub ee u dhaxeeya meleshiyaad beeleed iyo ururka Al-Shabaab taas oo durbadiiba sababtay qax, qaxar iyo qaranimadii Soomaaliyeed oo qabiil lagu qariyay.
Dagaaladan oo ku soo aaday xilli kala guur ah, ayaa waxay dib usoo nooleeyeen dhiilooyinkii colaadeed ee qabyaaladda ku salleysnaa laguna sharciyeeyay shaar militeri iyo shabbad dowladeed. Hadaba maxaa laga filan karaa dagaalka beelaha Soomaaliyeed qaarkood ay kula jiraan ururka Al-Shabaab? Maxaase la gudboon ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdooda?.
Nin Ceel Galay Ayaa Laga Warsadaa.
Abaabulka beelaha iyo dagaal gelintooda ma ahan arrin ugub ah oo ku kooban Soomaaliya, balse waa qorshe qadiim ah oo laga hirgeliyay dhammaan dowladaha ay ka jiraan ururada Jihaad doonka ah. Wixi ka dambeeyay weeraradii ka dhacay Mareykanka ee 11 kii September iyo duulaanadii lagu qaaday Afghaanistaan iyo Iraaq, ayaa Dowladda Mareykanka hindistay mashruuc lagu hubeenayo qabaa’ilka iyo sidii ay ula dagaalami lahaayeen ururada mintidiinta sida Al-Qaacida iyo Dhaalibaan.
Dowladda Mareykanka ayaa qabaa’ilkan ku taakuleeysay hub iyo hanti intaba waxayna ka dhigatay xaabadi lagu hurinayay dagaalada ee kula jirtay Islaamiyiinta ee ka aloosan Yemen, Maali iyo Suuriya.
Dowladda Mareykanka ayaa qabaa’ilkan ku taakuleeysay hub iyo hanti intaba waxayna ka dhigatay xaabadi lagu hurinayay dagaalada ee kula jirtay Islaamiyiinta ee ka aloosan Yemen, Maali iyo Suuriya.
Soomaaliya laftirkeedu marti kama aheyn adeegsiga ururo ama beelooyin lagala hor tagayo ururada diimeed ee dalka ka jira. Sanadkii 2005 ayaa Dowladda Mareykanka waxay dhidibada u aastay waxaa loogu yeero "Isbaheysiga Ladagaalanka Argagaxisadda” waxayna boqolaal kun oo doolar ku maal gelisay hoggaamiye kooxeedyo sida ay uga hortagi lahaayeen Midowga Maxaakiinta Islaamiga.
Dowladda Itoobiya ayaa iyadana dhankeeda dhaqaalo xoogan iyo taakuleyn militari ku bixisay ururka isku magacaabay ‘Ahul Sunna Wal Jamaaca’ iyo dagaalka ay kula jireen Al-Shabaab. Waxaa intaasi sii dheer, isku dayo dhawr ah oo lagu kicinayay beelaha Soomaaliyeed, isku dayadaas oo dhammaan noqday hal bacaad lagu lisay iyo in Al-Shabaab sii xoogeysato kuna sii xidideysato miyyi iyo magaallo intaba.
Dowladda Itoobiya ayaa iyadana dhankeeda dhaqaalo xoogan iyo taakuleyn militari ku bixisay ururka isku magacaabay ‘Ahul Sunna Wal Jamaaca’ iyo dagaalka ay kula jireen Al-Shabaab. Waxaa intaasi sii dheer, isku dayo dhawr ah oo lagu kicinayay beelaha Soomaaliyeed, isku dayadaas oo dhammaan noqday hal bacaad lagu lisay iyo in Al-Shabaab sii xoogeysato kuna sii xidideysato miyyi iyo magaallo intaba.
Hadaba waxaa is weydiin mudan, muxu kacdoonka macawiisleyda maanta uga duwan yahay kuwi hore, miyeyse suurtagal tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka mira dhaliso qorsho dagaal ee 20kii sano faraha looga soo gubtay Afghanistaan, Iraq iyo Soomaliya? Soomaaliduna waxay horay ugu maahmaahday, gadaal ka gaar, waa goob dumiye.
Macawiisley iyo Marmarsiiyo Dagaal
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe kadib, wuxuu dalka beylah unoqday waxa loogu yeero "war profiteers” ama macaashleyaal dagaal, kuwaas oo meherad iyo shaqo ka dhigtay hurinta colaadaha iyo iska horkeenidda ummadda Soomaaliyeed.
Nin qabiil u hiiliya iyo nin hanti ku raadsadaba, dagaalka macawiisleyda ayaa maanta noqday qandaraaskii ugu cusbaa ee lagu cad-goosto, magac iyo maal iyo maquunin qabiil intabana lagu helo.
Nin qabiil u hiiliya iyo nin hanti ku raadsadaba, dagaalka macawiisleyda ayaa maanta noqday qandaraaskii ugu cusbaa ee lagu cad-goosto, magac iyo maal iyo maquunin qabiil intabana lagu helo.
Socdaalka Madaxweynaha ee uu dhawaan ku maray dalalka carabta, Turkiga iyo Mareykanka ayaa dhammaan ku salleysnaa raadinta taagerayaal iyo taakuleyn maaliyadeed oo lagu xoojinayo dagaalka uu kula jiro ururka Al-Shabaab.
Hantidan tirada badan ee ku soo dhacday miizaaniyadda dowladda ayaa noqotay mid qof waliba uu uhanqaltaago, waana qodobka ugu muhiimsanaa ee diiradda lagu saaray shirkii wadatashiga ee dhawaan Xamar lagu qabtay.
Hantidan tirada badan ee ku soo dhacday miizaaniyadda dowladda ayaa noqotay mid qof waliba uu uhanqaltaago, waana qodobka ugu muhiimsanaa ee diiradda lagu saaray shirkii wadatashiga ee dhawaan Xamar lagu qabtay.
Dr.Abuukar Armaan oo ah khabiir ku xeeldheer siyaasadda Soomaaliya, horaanna u soo noqday ergayga gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, ayaa arrimahan iyo kuwa kale diiradda ku saaray maqaal uu dhawaan ugu magac daray, Somalia’s Vigilante to Eradicate al-Shabaab, wuxuuna ku sheegay in ay jiraan siyaasiyiin, ganacsato, odayaal qabiil iyo dalal shisheeye, oo dhammaan ku awr kacsanaya macawiisleyda, balse xambaarsan ujeedooyin kala duwan.
Afrikaan Gambaday iyo Soomaali Laysku Gubayo
Sidaan ognahay hawlgalka midowga Afrika ATMIS ayaa dhaqaale xooggan beesha caalamka uga qaatta la dagaalanka ururka Al-Shabaab. Waa ciidan, hub, tababar, iyo taakuleyn miltiri intaba udhameystiran yihiin isla markaasina loo igmaday in ay dowladda Soomaaliya garab ku siiyaan dib uqabsashada dalka. Hadaba su’aasha meesha taalla waxay tahay, maxay uga qeyb qaadan waayeen hawlgalada macawiisleyda?.
Dr.Norman Cigar, oo ah sargaal ka tirsan ciidamada Mareykana iyo bare jaamacadeed, isagoo bidhaaminaya ujeedkii markii horaba loo asaasay meleeshiyaadka beelaha ayaa wuxuu ku yiri buugiiisa Tribal Militia: An Effective Tool to Counter Al-Qa’ida and its Affiliates:
"Ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay hubeynta iyo dagaal gelinta meleshiiyaadka beelaha waa in lagu yareeyo khasaaraha nafeed iyo midka dhaqaalaha ee soo gaaraya ciidanka”.
In kastoo qorshaha Dr. Norman Cigar uu diiradda saarayo ay tahay duulaankii Iraaq, hasa ahaate waa qorshe maanta si toos looga hirgeliyay fagaaraha dagaalka ee Soomaliya, iyada oo ay ciidamada ATMIS maanta noqdeen kuwo xeryahooda fadhiid ku ah, isla markaasina gaashaan iyo gabbaad ka dhigtay meleeshiyaadka macawiisleyda.
Arrintan ayaa abuurtay shaki badan iyo in dadka ay is weydiiyaan, haddi ciidanka ATMIS ay ayagu gacanta ka taageen la dagaalanka Al-Shabab, maxay tahay sabata wiilasha Soomaaliyeed dagaalka loogu hurinayno, maxayse tahay guulaha ay macawiisleyda ka soo hoyin karaan dagaal ay ka quusteen dowladaha waa weyn?.
Arrintan ayaa abuurtay shaki badan iyo in dadka ay is weydiiyaan, haddi ciidanka ATMIS ay ayagu gacanta ka taageen la dagaalanka Al-Shabab, maxay tahay sabata wiilasha Soomaaliyeed dagaalka loogu hurinayno, maxayse tahay guulaha ay macawiisleyda ka soo hoyin karaan dagaal ay ka quusteen dowladaha waa weyn?.
Mahadhooyinka aan la Mahdin.
Iyada oo ay Soomaaliya horaamba la tiiceysay abaaro dabadheeraaday iyo xaalado bani aadan oo halis ah, ayaa dagaalka macawiisleyda uu dalka ku soo kordhiyey culeysyo haddi aanan laga daba tegin reebi kara raadad aan laga soo kabsan. Waxaa culeysyadaasi kow ka ah, dib usoo nooleyntii qabyaaladdii iyo in ay mar labaad dalka ka dillaacaan jabhado hubeysan oo hab qabiil u abaabulaan.
Sidaan la soconno, burburkii dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku billawday kacdoon qabiil, mirihi ka dhashayna waa mid ummadda Soomaaliyeed ay ka wada dharagsan tahay. Qabaa’ilkii hubeysnaa ayaa taag iyo maaro loo waayay. Hubkii gacanta loo geliyayna ayaa noqday mid ay iskula jeestaan kuna gumaadaan shacabka Soomaaliyeed, uguna dambeyntiina keentay in la waayo qaran Soomaaliyeed oo mideysan.
General Yusuf Maxamed Siyaad ‘Indhacadde’ oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Soomaaliya ayaa dhawaan arrinkan ka dhawaajiyaya wuxuuna yiri: "Dad qori sita oo aan dowlad gacan ku hayn meel fiican kuma dhamaadaan. USC ayaan aragnay, jabhadihii kale ayaan aragnay. Iyaga ayaa dib isu dilaayo. Qabiil ayey isu dilayaan, jufo jufo ayey isu dilayaan”.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame ‘Xusul’ ayaa isgaana wallaac ka muujiyay hubeynta beelaha wuxuuna macawiisleyda ku tilmaamay khatar ka daran midda Al-Shabaab: "Macawiisley dhibaatadeeda qofkii aan hada dareemin berri ayuu dareemayaa, wax kasta oo fowdo ku bilowda dhibaato ayey ku dambeyn doonaan, sidii USC, waan ognahay heerka ay na gaarsiiyeen kooxo hubeysan” ayuu yiri xildhibaan Xusul.
Dhanka kale, dhaliiladan loo jeediyay macawiisleyda waxaa ka dhashay ismaandhaaf xoogan oo ka dhex abuurmay siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dowladda, ilaa heer ay gaarto hanjabaad iyo in la isku eedeeyo ubasaasidda Al-Shabaab.
Khilaafkan siyaasadeed oo aysan ka marneyn ficiltan qabiil, waxay abuurtay kala shaki iyo mugdi soo kala dhex gala xubnaha barlamaanka, saraakiisha ciidanka iyo maamul goboleedyada, iyada oo ay u muuqato in qaranimadii Soomaaliyeed laga hormarinayo danaanasho beeleed.
Khilaafkan siyaasadeed oo aysan ka marneyn ficiltan qabiil, waxay abuurtay kala shaki iyo mugdi soo kala dhex gala xubnaha barlamaanka, saraakiisha ciidanka iyo maamul goboleedyada, iyada oo ay u muuqato in qaranimadii Soomaaliyeed laga hormarinayo danaanasho beeleed.
Al-Shabaab: "Kala Bax Kitaabka Qaba”.
Al-Shabaab ayaa dhankooda u muuqda kuwo biraha soofeysanaya, waxayna caddeyeen in aysan marnaba ka weecanynin dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, macawiisleyda iyo intii taagertaba. Dhawaan ayuu ururku soo saaray muuqaal ay ku soo bandhigeen qalin jebin loo qabtay boqolaal ciidamadooda ka mid ah waxayna sheegeen in qabiil waliba oo soo raaca dowladda Soomaaliya ay beegsanayaan. Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxmuud Raagge wuxu muqaalkan ku yiri:
"Waxaan qabaa’ilka Soomaaliyeed horay ugu sheegnay mar walbana ku celcelineynaa, reer walba ama jufo walba oo gaalada soo raacda, in ay hadaf u yihiin gacanta mujaahidiinta iyo sayftooda.”
Ilaa hadda ma jiraan ifafaalayaal muujinaya in colaadaha udhaxeeya Al-Shabaab iyo macawiisleyda ay joogsadaan. Waxaase hubaal ah haddii ay dagaaladan sii socodaan in umadda Soomaaliyeed ay halis ugu jirto in ay dib ugu laabato burburkii iyo bayhoofkii soddonkii sano laga dhaxlay dagaladii sokeeye.
Waxaa laga maarmaan ah in waxgaradka Soomaaliyeed, horjoogayaasha beelaha, Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab intaba ay ku dadaaleen sida ay shacabka uga samatabixin lahaayeen xaaladaha adag ee ku habsaday, ayna raadiyaan wadda waliba oo lagu soo afmeeri karo heshiisna looga gari karo colaadahan dadka iyo dalkaba ragaadiyay. Ilaahayna waxaan ka baryeenaa nabad waarta, Soomaali mideysan iyo roob lagu doogsado in uu si degdeg ah noogu deeqo.