Sanad Cusub oo usoo galay Muslimiinta Caalamka 1447 Hijri [Warbixin].

Thursday June 26, 2025 - 08:58:23
Super Admin
Maanta oo Khamiis ah 26 ,June,2025 waxay ku beegantahay 1,1,1447 Hijri waxaana muslimiinta usoo galay sanad cusub kadib markii ay dhameysteen sanaddii 1446 Hijri.
Nasiib darrada jirta ayaa ah in Dad badan oo muslimiin ah aysan la socon taariikhdooda kadib markii reer galbeedka nasaarada ah ay maskaxda uga shubeen taariikh aan taariikhdooda aheyn iyo dhaqamo aan dhaqamadooda aheyn.

Sanadkan cusub ee Hijriga ayaa muslimiinta u ah bishaaro wuxuuna sanadkan imaanayaa xilli  Jihaadiyiinta caalamka ay guulo ballaaran kasoo hooyeen halgankooda ku aadan dib usoo nooleynta khilaafadii islaamka ee burburtay.



Muslimiinta Afghanistan sanaddan wuxuu imaanayaa iyagoo ka xoroobay gumeystaha shisheeye ee wadankooda duullaan ku joogay waxkabadan 21 sanadood, Afghanistan waa muddo 3 sanadood iyo bilo ah udhisan nidaam islaami ah oo dib usoo celiyay karraamadii umadda.

Muslimiinta Soomaaliya sanadkan cusub ee Hijriga wuxuu imaanayaa xilli jihaadiyiintu ay cadaw jinsiya kala duwan leh lahalgamayaan ayna guulo muuqda ka gaareen halgankooda gumeysi diidka ah.

SOMALIMEMO: Allaah waxaan ka baryaynaa in inta sanadkan 1447 Hijriya lagu guda jiro uu dalkeena Soomaaliya nooga xureeyo gumeystaha

Related Items

Update cookies preferences