Akhriso: Fadliga ay leeyihiin Tobanka maalmood Ee Bisha Carafo.

Friday June 07, 2024 - 10:15:56
Super Admin
Asalaamu Calaykum Waraaxmatullaahi Wabarakaatuhu Fadliga 10ka Dilxijjah ayaa ku cad kitaabka iyo sunnada waana maalmo ay dambi dhaaf iyo barako helaan dadka muslimiinta.

 Walaalayaal Waxaan ku guda jirnaa Maalmihii fadliga badnaa Ee Cashara Dilxijjah, walaalayaal Rasuulkeenu Scw wuxuu Yiri: Majiraan Maalmo Camal wanaagsan looga Jacayl badan yahay Allaah Swt xaggiisa oo  maalmahan dhexdooda ah.


Nebigana Scw wuxuu ula jeedaa 10ka beri Ee aan ku guda Kadib bay Saxaabadu ku dhaheen: Yaa Rasuulullaah ma xitaa Jihaad Fii Sabiilillaah? Rasuulkuna Scw wuxuu yiri: Xitaa Jihaad Fiisabiilillaah, loogama Jecla illaah Swt Agtiisa, illaa lahelo mooyaane Nin ubaxay ''Jihaad'' Naftiisa iyo Maalkiisa oo Uusan Waxba Usoo Noqon.

Yacni Ku Shahaada Qaatay. Kaas Uunbaa Kafadli Badan Buu Nabiga Scw Ku Cabiray. Waxaa Wariyey Bukhaari... Lafdiga Xadiithka Hoos Ka Fiiriya.

Halkan ka dhageyso darsiga 1aad ee fadliga bishan waxaa jeedinaya Sh.Nuur Macallin Raximahullaah MP3

Hadaba Walaalayaal Aynu Ka Faa'idaysano Maalmahaas Fadliga Badan.



Related Items

Update cookies preferences