Al-Shabaab oo weerar culus ku qaadday xero ciidamada Kenya ku leeyihiin NFD.

Wednesday November 06, 2024 - 12:28:42
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya dhulka Soomaaliyeed ee ku hoos-jira gumaysiga dawladda Kenya ayaa sheegaya dagaal culus oo dhex-maray xoogagga Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya.
Dagaalkan ayay xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen xerada millateriga dawladda Kenya ee deggaanka Eegeey oo hoos-taga Dhadhaab oo ka tirsan gobolka Gaarisa.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya intii dagaalku uu socday, in dab xooggani uu qabsaday Teendho ciidamada Kenya uga dhisnayd gudaha xerada.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in gabi’ahaanba ay shuf-beeshay teendhadii iyo wixii agab ahaa ee u hoos-yaallay ciidamad Kenya.

Dagaalkana ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii u dambeeyey ee xalay iyo saaka ay dhaceen hawl-gallo lagu beegsaday maleeshiyaadka Xudur iyo Qeycad.

Related Items

Update cookies preferences