Ikhwaanii Fillaah Sidaad Lasocotaan Waxaynu Ku guda Jirnaa Bil Kamid Ah Billaha Xurmada Ku Leh Alle Swt Agtiisa. Bishaan Waa Bisha La Dhaho Muxaram, Waxaana Ku Jirta Maalin Qofkii Sooma Loogu Dhaafaayo Dembigiisii Sanadkii Tegay Insha'allaahu, Waana Maalinta 10aad Ee Bishan.
عن أبي قتادة – رضي الله عنه- عن النبي –صلى الله عليه وسلم- ( صيام يوم عاشوراء أحتسب على الله أن يُكفّر السنة التي قبله ) رواه أحمد (5/296)، ومسلم 1163
Ikhwaanii
Filcaqiidah, Nebigu Scw Wuxuu Yiri Xadiis Uu Warinaayo Abii Qataatah
Rc: (Soonka Maalinta Caashuuraa Waxaan Allaah Ka Rajaynaayaa Inuu Iigu
Dhaafo Sanadkii Tegay) Waxaa Wariyey Axmed: 5/296, Muslim:1163
Ikhwaanii
Fillaah Waxaa Sidoo Kale Sunno Ah in lasoomo Maalinta 9aad Ee Ka
Horraysa Maalinta Caashuuraa. Sababtuna Waa In Uu Rasuulku Scw Yiri:
(Sanadka Soo Socda Waxaynu Soomaynaa Maalinta 9aad) Waxaa Wariyay
Muslim: 1916. Laakiinse Rasuulku Scw Ma Uusan Gaarin Sanadkii Uu Balan
Qaaday Inuu Soomo Oo Rabbi Swt Baa Oofsaday.
Hadaba
Ikhwaanii Fillaah Maadaama Uu Rasuulku Scw Hadii Uu Noolaan Lahaa Soomi
Lahaa Sanadkuu Balan Qaaday, Waa Inaynu Annagu Soomnaa Maalinta 9aad Oo
Aanu Ku Darnaa Maalinta 10aad Ee Ah Cashuuraa.
Jazakumullaahu Kheyran aan ka wada Faa'iidaysano Acmaasha Kheyrka badan