Al Shabaab oo weeraro ku miray saldhigyo ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Gedo iyo Bakool.

Tuesday September 17, 2024 - 11:06:04
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday saldhigyo ay ku suganyihiin ciidamada Xabashida Itoobiya.
Xoogagga jihaadiga ah ee Al Shabaab ayaa xalay weerar ku miray saldhigga ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas culus oo ay labada dhinac isdhaafsanayeen.

Dhinaca kale weerar culus ayaa xalay lagu qaaday ciidamo Itoobiyaan ah xilli ay ku roondaynayeen mid kamida xaafadaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

War kooban oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weeraradan khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada soo duulayaasha Xabashida Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences