Gudaha wadanka Mareykanka waxaa laga hadal hayaa wiil dhalinyaro muslim ah oo si layaab leh usoo saaray saacad nuuca guryaha la dhigta ah isagoo aan adeegsan farsamada warshadaha.
Axmed Max’med Alxasan oo 14 sana jir ah wuxuu kasoo jeedaa wadanka Suudaan
balse wuxuu dhigtaa dugsiga sare ee magaalada Dallas wadanka Mareykanka.
Axmed ayaa noqday ardayga ugu aqoonta badan iskuulka wuxuuna ku guulaystay in
uu gacantiisa ku sameeyo saacad si caadi ah u shaqeynaysa oo lamid ah saacadaha
ay soo saaraan warshadaha adduunka.
Ardaygan muslimka ah ayaa ka caraysiiyay maamulka iskuulka iyo dhammaan ardayda
Mareykanka ee ay iskuulka isla dhiganayeen taasi oo sababtay in lagu dacweeyo
booliska qaabilsan ‘Argagaxisa’ ladirirka.
Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa raalli gelin ka bixiyay tacaddiga ay kula kaceen saraakiisha booliska Ardayga muslimka ah ee asalkiisu Suudaan kasoo jeedo.
"Saq dhexe habeenkii ayay guriga iigusoo galeen 5 katirsan saraakiisha Booliska xabsi ayay ii dhaadhiciyeen waxay qaateen saacaddii aan farsameeyay iyo laba Kumbiyuuter”ayuu yiri Axmed.
Muslimiinta Mareykanka ayaa sanadadii lasoo dhaafay cadaadis iyo fuquuq kala kulmaysay bulshada Nasaarada Mareykanka waxaana gudaha mareykanka kusii kordhaya kooxaha loo yaqaan Islaam Foobiya.
Hoos ka Daawo Warbixin Telefeshinka Al Jazeera ka diyaariyay