Faysal C. Waraabe: Federaalku Itoobiya ayuu waxba tari waayey ee Soomaaliya hayska deyso.

Monday May 12, 2025 - 18:17:30
Liibaan Jeexoow
Siyaasiga caanka ah ee Gobollada Waqooyi Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo kala gedisan oo ay kamid yihiin Somaliland, maamulka cusub ee Khaatumo iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Faysal ayaa sheegay in Soomaaliya ay kala googo’an tahay isla markaana aanay sidaasi dan ahayn. Waxaanu intaa ku daray in ay shir ugu qaban doonaan Gobollada Koonfureed Hargeysa.

"Soomaaliya intaa Hargeysa isugu yeedhno ayaan odhan doonnaa iska daaya dowlad-goboleedyada oo qoys baa tihiine heshiiya federaalkii Itoobiya ayaa shaqayn waayaye” Faysal

Faysal ayaa marar badan ka hadla siyaasadda Soomaalida ayaa guddoomiye ka ahaa Xisbigii dhacey ee UCID ee Somaliland kaas oo labaataneeyo sano siyaasadda maamulka Somaliland kamid ahaa.

Related Items

Update cookies preferences