Axmed Madoobe: Xasan Sheekhoow bal shaley iyo maanta hadalladaadii isdhegayso.

Monday May 12, 2025 - 18:18:38
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed-Madoobe ayaa Xasan Sheekh ku tilmaamay mid hadalladiisu isburinayaan isla markaana aan aqoon waxa uu ku hadlayo. Madoobe waxa uu dhanka kale u soo jeediyay Xasan Sheekh bal in uu isdhegaysto.
"Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waxaan kula talin lahaa bal in uu shaley iyo maanta hadalladiisii isdhegaysto, anigu shaley iyo maanta waxaan ku hadlayaa waa isku mid.” Axmed-Madoobe

Axmed-Madoobe waxa uu geesta kale cambaareeyay xisbuga cusub ee Xasan Sheekh samaystey kaas oo uu ku tilmaamey mid lamida Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka ee Maxamed Siyaad.

"Xisbiga uu wadaa waa mid lamida kii Hantiwadaagga laakiin aan waxba gacanta ugu jirin”.

Madoobe waxa uu ku baaqey shirweyne lagaga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxa aanu Xasan ku tilmaamey in uu yahay siyaasi raba in uu xafiiska iska joogo.

"Haddii cidi iska joogayso maxaan shaley Farmaajo ula dagaallamaynay”

Axmed iyo Xasan ayaa dagaalkoodu bilaabmay kaddib doorashadii Axmed-Madoobe taas oo DF u aragtey mid uu isku caleemo saarey.

Dagaallo dhowr ah oo dhexmarey Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa looga gacan sarreeyay Federaalka. Xiriirka labada dhinac ayaa gaarey in waaran soo qabasho ah midiba midka kale u qorey.

Related Items

Update cookies preferences