Jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Jubbada hoose ayaa maanta weerar qorshaysan oo qarax ah ka fuliyey agagaarka deggaanka Birta dheer ee duleedka magaalada Kismaayo.
Qaraxan oo bartilmaameedkiisu ahaa gaari Cabdi Bile ah oo si gaar ah ay u lahayd madaxtooyada Jubbaland ayaa geystay khasaare culus.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxaasi ugu yaraan lagu dilay 3 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Axmed-madoobe, 4 kalena lagu dhaawacay.
Sidoo kale waxaa jira khasaare hantiyeed oo uu ka mid yahay baabuurkii Cabdi Bilaha ahaa ee la qarxiyey oo gebi ahaanba burburay.
Geesta kale, habeennimadii xalay waxaa ka dhacay gobolka Baaya qarax ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ku beegsadeen saldhigga maleeshiyaadka maamulka la baxay Koonfur-galbeed.
Qaraxan oo wararku tibaaxayaan in uu geystay khasaare kala duwan ayaa bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga maleeshiyaadka Laftagareen ee suuqa Siigaalle ee magaalada Baydhabo.