Xasan Shiikh oo goor dhaweyd gaarey dalka Jabbuuti.

Saturday July 26, 2025 - 16:42:18
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha Federaalka ayaa goordhaweyd gaarey dalka yar ee lagu magacaabo Jabbuuti. Xasan ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Sida ay sheegtay warbaahinta Villa Soomaaliya, labada dhinac waxa ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira amniga iyo dhaqaalaha gobolka.

Waxa Xasan ku weheliyay safarkiisa Mahad Salaad oo haysta hay’adda loogu yeero Nabadsugidda.

Tan iyo intii bishan lagu gudo jirey Xasan Sheekh waxa uu safar ku tagey Masar, Turkiga iyo Jabbuuti.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Jabbuuti uu uga sii gudbi doono Addis Ababa.

Socdaalkan ayaa ku soo aadaya xilli gobolku dib u galey xaaladdii murannada ee badda iyo biyo-xireennada.

Itoobiya ayaa u ordaysa in ay hesho biyo-xireenka Niilka si ay uga dhaliso koronto ay u iib geyso waddamada jaarka la ah.

Dhanka kale waxay Itoobiya doonaysaa cusboonaysiinta MoU-gii Somaliland ee xeebaha Waqooyi.

Xasan Sheekh waxa uu dhexda uga jiraa murannada siyaasadeed ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences