Khasaaraha askar Itoobiyaan ah oo lagu qarxiyey Baydhabo iyo ciidamo Kenyan ah oo la weeraray.

Monday July 14, 2025 - 11:40:20
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay maanta ka fuliyeen magaalada Baydhabo.
Qaraxan ayay wararku tibaaxayaan in lagu bar-tilmaameedsaday ciidanka Xabashida Itoobiya ee ilaalada ka ah gegida diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 2 askari oo Itoobiyaan ah, iyo dhaawaca 5 kale oo iyaguna Itoobiyaan ah.

Geesta kale xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa dagaal culus ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee deggaanka Dhamase ee gobolka Mandheera.

Sidoo kale gobolka Laamu oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya waxay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen dagaal culus oo ay ku qaadeen xerada askarta Kenya ee magaalada Milimaani.

Hawl-galladan ayaa imanaya xilli jihaadiyiintu ay dardar xooggan geliyeen hawl-galladooda, isla markaana ay la wareegeen deggaanno fara badan oo ay ugu dambaysay deggaanka Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Related Items

Update cookies preferences