Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya weerar naf-hur ah oo goor dhawayd jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ku beegsadeen kolonyo gaadiid ciidan ah.
Sida ay xogtu tibaaxayso kolonyadan oo ay la socdeen ciidamada Uganda ee qaybta ka ah afrikaanta AUSSOM, ayaa la weeraray iyagoo maraaya deggaanka Sabiid.
Hawl-galku goor dhawayd ayuun buu dhacay, wixii faahfaahin ah ee kusoo kordhana gadaal ayaan kasoo gudbin doonaa insha Allaah.
Geesta kale xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Lamu ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa dagaal culus ku qaaday xerada askarta Kenya ee magaalada Milimaani.