Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ka soo duushay Addis Ababa kuna sii jeedday Hindiya ayay lasoo deristay cillad farsamo, waxaanay si degdeg ah ugu degtay garoonka caalamiga ah ee Chhatrapati Shivaji Maharaj ee magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.
Diyaaraddan oo nooceedu yahay Boeing 787 Dreamliner ayaa la sheegayaa in ay cilladi ku timid iyada oo hawada ku jirta, kadib markii si lama filaan ah loo waayay cadaadiskii hawada ee gudaha diyaaradda. Waxaana xanuunsaday 7 qof oo rakaab ah, halka qof kalena loola cararay cisbitaalka.
Sida laga soo xigtay shirkadda raad-raaca duullimaadyada ee Flightradar24, diyaaradda ayaa si degdeg ah dhulka u hoobatay kadib markii qalabka cabbira cadaadiska hawada gudaha diyaaradda uu soo saaray digniin lama filaan ah.
Markii ay diyaaraddu caga-dhigtay, 7 rakaab oo ku neef-qabatoomay gudaha diyaaradda ayaa lagu soo warramayaa in loo fidiyey daryeel caafimaad, iyadoo qof ka mid ah rakaabkaasna la dhigay cisbitaalka si loo daaweeyo, sida uu sheegay ilo-wareed uu soo xigtay wargeyska Times of India.
Guddiga kormeerka duulista rayidka ee Hindiya (DGCA) ayaa baaritaan ku wada arrintan, mana jirto ilaa hadda xog rasmi ah oo tilmaamaysa sababta dhabta ah ee keentay hoos u dhac cadaadis- hawadeedka ka dhashay gudaha diyaaradda.
Dhacdadan waxa ay timid maalmo uun kaddib markii 11 qof, oo ay ku jireen 6 shaqaale ah, ay la kulmeen xaalad caafimaad iyagoo ku guda jiray duullimaadka diyaaradda Air India, oo isaga kala gooshaysay Heathrow ilaa Mumbai, taas oo iyadana baaritaankeedu uu weli socdo.